4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2016
Munaasabad loo Sameeyay 35 arday oo ka Qalin-jabisay Hiiraan University, Baladweyne (Sawiro)


Sabti, Janaayo 30, 2016 (HOL) — Munaasabad heer sare ah oo ay ku Qalin-jabinayeen 35-arday oo dhameystay waxbarashada Jaamacada Hiiraan Univeristy ayaa lagu qabtay hoolka shirarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Xafladaan ayaa Waxaa kasoo qayb-galay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Hiiraan, xildhibaanno, Mas'uuliyiinta maamulka ee heer Gobol iyo Degmo ah, waaliddiin iyo marti-sharaf kale.

Xildhibaannadii xafladdaan ka qayb-galay ayaa Amaanay juhdigii adkaa oo ay ku bixiyeen maamulka, macalimiinta iyo ardayda Jaamacada sidii ay u sii socon laheyd Waxbarashada, iyadoo la og-yahay dafuurihii Nabad-galyo ee guud ahaan Gobolka, gaar ahaan Magaalada Beledweyne  ka jiray mudadii ardeyda maanta qalin-jabinaysa ay ku jireen Waxbarashada.

Prof. Ibraahim Dhaqane oo ka mid ah Maamulka sare ee Jaamacadda ayaa ku Ammaanay Ardayda dhameysatay Waxbarashada oo noqonaya Dufcadii labaad, dadaalka dheeriga ah oo ay muujiyeen si ay u soo gaaraan maanta oo kale.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Hiiraan ayaa ah - Jaamacaddii ugu Horreeyay laga Hir-galiyay magaalada Beledweyne, oo ay hadda ka jiraan ilaa afar jaamacadood oo ay wax ka bartaan ardeyda ka soo baxda dugsiyada sare ee magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya