4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2016
Maamulka Khaatumo oo si buuxda uga soo Hor-jeestay Go’aankii kasoo baxay Shirkii Muqdisho


Sabti, Janaayo 30, 2016 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa si buuxda uga soo hor-jeestay go’aanadii kasoo baxay shirkii dhawaan Muqdisho lagu soo gunaanaday ee looga Arrinsanayay Higsiga Doorashada 2016-ka ee ka dhici doonta Somalia daba-yaaqada sannadkan, kaddib shir jaraa’id oo maanta ay ku qabteen Degmada Buuhoodle.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo shirka jaraa’id hadal dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay Mowqifkooda ku aaddan Go’aanadii shirkii Muqdisho lagu qabtay kasoo baxay ee awoodda dalka lagu qaybsanayo, isagoo sheegay in ummadda ay metelaana aan lasoo qaadin; taasna ay tahay mid xaq-darro ah.

“Go’aanada Xamar kasoo baxay, Xamarna ma dhaqayaan Somali oo dhana ma dhaqayaan. Annagoo Deegaannadeenna la yaqaan oo dadka deegaanadaas ku nool ay milyan ka badan yihiin in la yiraaho siyaasadda Somalia dul-joog ka noqda nama qabato, waxaana leeyahay dhawaaqa bulshadda maqla oo ka masaajidda Xamar maqla,” ayuu yidhi Galayr.

Sidoo kale, mar uu ka hadlayay maamulka Somaliland ayuu sheegay inaanay u dul-qaadan doonin colaadda ay haminayaan inay joojiyaan haddii kalena ay ku reebi doonto cawaaqib-xumo.

“Dadka leh heshiis baa u socda Cali iyo Somaliland, Waxaan leeyahay Taasi waa wax aan jirin, War ima deeqo, Waana arrin laga soo Abaabulayo dhankaas oo Shacabka lagu Jaah-wareerinayo,” ayuu hadalkiisa ku daray Cali Khaliif, wuxuuna raaciyay isagoo u muuqday inuu Hanjabayo inay deegaannada ay ka joogaan deegaannadooda ka baxaan; Waqtiganna uu maamulkoodu awood leeyahay.

Mar wax laga weydiiyay Aqalada baarlamaanka federaalka ee la dhisayo oo aan lagu xusin maamulka Khaatumo, Laakiinse Puntland iyo Somaliland ay tiro Xad-dhaaf ah ku leeyihiin ayuu ku soo koobay Jawaabtiisa, inay arrintaas Dagaal ka xigaan oo aanay yeelayn, Waana tii Soomaaliya lagu kala goyn lahaa, Xasan Sheekh baana ka mas’uul ah wixii dhaca.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibada maamulka Khaatumo Maxamuud Ismaaciil Shabac oo isagana Shirka jaraa’id ka hadlay ayaa Siyaabo kala duwan uga hadlay Qodobadii kasoo baxay Shirkii Wada-tashiga ahaa ee Muqdisho, isagoo sheegay in tallaabadaas la qaaday ay tahay mid ay ka dhalanayso cawaaqib-xumo.

Ugu dambeyn, Hadalkaan kasoo yeeray maamulka Khaatumo ayaa ayay Shacabka ku nool Deegaannadaas si aad ah u Hadal-hayaan; Waxayna Qaarkood ay Qabaan in Mowqifka uu qaatay maamulku uu yahay mid geesinimo leh, kuwo kalena ay ka hor-jeesteen; iyadoo leh dib haloo raaco Deegaannadii hore ee looga saaray Galayr iyo maamulkiisa, hadalladiisana ay u Muuqda in Somaliland ay soo Weerarto Buuhoodle oo ay marto Waddadii ay Horay u mareen deegaannadii laga qabsaday.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool