4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2016
Madaxweynaha Kenya oo Codsaday in Wax laga beddelo hawlgalka ciidanka AMISOM ee Somalia


Sabti, Janaayo 30, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa weydistay Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika in dib u eegis lagu sameeyo Hawl-galka ciidanka AMISOM ee Somalia, isla markaana wax laga bedelo Xeerarka ay ku hawl-galaan si ay ula dagaalamaan kooxaha argagaxisada ah ee Soomaaliya.

Kenyatta ayaa ku baaqay in Ciidamada AMISOM la siiyo Awoodo dheeraad ah oo dhulka, Cirka iyo Badda ah, isagoo xusay in Awooddaas ay u sahli doonaan ciidamada Somalia ku sugan inay ka hortagaan wax walba oo dhaqdhaqaaq ah oo ay argagaxisadu doonayso inay sameeyaan.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Kenya ka jeediyay Shirka Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada ee ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa ka socda, wuxuuna hadalkiisa ku daray in inkastoo ciidamada AMISOM ay guulo la taaban karo gaareen, haddana la joogo xilligii la dhisi lahaa ciidamada Somalia, si ay awood ugu yeeshaan inay Argagaxisada ka saaraan dhulalka ay joogaan si ay dowladda u hoos-keenayaan.

“Ujeeddadu waxay ahayd in dowladda federaalka Somalia laga taageero sidii uu dhulka oo dhan gacanteeda u soo geli lahaa sannadkii 2015-kii, laakiin arrintaas weli lagu guuleystay. Marka waxaa loo baahan yahay in Hawl-galka ciidanka AMISOM wax laga bedelo,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Isagoo sii hadlaya ayuu Kenyatta intaas ku daray. “Si ujeeddooyinka AMSIOM ay u joogto Somalia loo gaaro, Waxaa loo baahan yahay in dib loo eego Hawl-galka wax laga bedelo si howlgalladooda wax uga bedelaan.”

Uhuru Kenyatta ayaa wuxuu intaas ku daray in Argagaxisadu ay qaababkii ay u dagaallami jireen ay wax ka bedeleen, sidoo kalena loo baahan yahay in wax laga bedelo Hawlgallada ka socda Somalia si ciidamada AMISOM ay horay ugu socdaan.

Madaxweynaha Kenya ayaa intaas ku daray in ciidamada Kenya ay fashiliyeen Qorshayaal badan oo ay Al-shabaab ku Doonaysay in ay Dhibaatooyin ku Geysataan, kaddib markii la sameeyay hay’ado la socda dhaq-dhaqaaqyada kooxahaas, isla markaana laga Hor-tagay oo la burburiyay.

Dhanka kale, Kenyatta ayaa xusay in dhibaatooyinka ay geysnayaan Arga-gaxisadu ay weli yihiin kuwo halis ah, isagoo Tusaale u soo qaatay weerarkii ay Al-shabaab Saldhigga ay ku lahaayeen ciidamada Kenya ee gobolka Gedo ku qaadeen, taasoo uu sheegay inay cadeyn u tahay in argagaxisadu ay weli awood ku leeyihiin Soomaaliya.

“Si kooxahaas loola Dagaallamo, waa inaanu dhammaanteed sii wadnaa hawlgallada looga hortagayo cadowga, meel walba oo laga heli karnana aan ku beegsannaa,” ayuu Hadalkiisa ku daray madaxweyne Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya ayaa u soo jeediyay Golaha Amaanka iyo Nabad-galyada Midowga talooyin ay ka mid ahaayeen; In dib u eegis lagu sameeyo Hawl-galka AMISOM, si ay ugu dagaalamaan si u dhiganta habka ay u dagaallanto Al-shabaab. In la hubiyo sidii ciidammo dhameystiran loo geyn lahaa meelaha khataruhu ka jiraan, sida qaybta Saddexaad ee Hawl-galka AMISOM, gaar ahaan gobolka Gedo. In Midowga Afrika ay Weydiistaan Qaramada Midoobay iyo Dalalka Caalamiga ah ee taageera howlgalka AMISOM, in ciidamada hadda ku sugan lagu biiriyo Ciidammo kale si Hawl-galkoodu u Xoogeysto. Qaramada Midoobay waa inay ku taageerto howlgalka wax Walba oo lagama Maarmaan ah; sida qalab ciidan oo ku filan, si Hawlgalka uu u noqdo mid Guuleysta iyo In la helo Taageerooyinka loo baahan yahay oo ay ka mid yihiin; guryo, waddooyinka iyo in wax-soo-saarka meelaha Al-shabaab laga xoreeyay la xoojiyo, si ay u sahlanaato inay Qoxootiga Soomaaliyeed kusoo laabtaan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu khudbadiisa kaga hadlay Xaaladaha ka taagan Dalalka Suudaanta Koonfureed iyo Burundi, isagoo ugu baaqay Midowga Afrika in si dhaqso ah wax looga qabto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya