4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2016
Dukumiintiyo Sir ah oo Hilary Clinton ay si gaar ah u Isticmaali jirtay oo la Shaaciyay in la helay


Sabti, Janaayo 30, 2016 (HOL) — Waxaa la shaaciyay E-mail ay Hilary Clinton ay si gaar ah u isticmaalaysay markii ay ahayd Xog-hayihii Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka, Xilli ay hadda ka mid tahay Murashaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynenimo ee Dalka Mareykanka.

Arrintaan ayaa waxay imaanaysaa Seddax maalmood ka hor waqti la Qabanayo Codeyntii ugu horreysay ee ay ku doonayso inay ku hesho Guusha ay ugu xilka madaxnimo ee dalka Mareykanka ugu tartamayso.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka ayaa waxay sheegtay in waxyaabo Sir ah laga helay toddoba E-mail oo ay u adeegsanaysay Hilary Clinton kayd gaar ah oo ay si Sir ah u isitmcaalaysay.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in 22-dukumiinti la helay. Isagoo yiri. “Lama Daabici doono dukumiintiyada ay ku isticmaashay Hilary Clinton E-mailladeeda gaarka ah.”

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in warbixinta ay ka mid yihiin, akhbaaraad la xiriira Sir aad u heer sarreysa. isagoo yiri. “Warbixinnadaan Cusub ee la helay laguma Caddeynin xilliga la diray. Balse Waaxda arrimaha dibadda waxay baarayaan inay muhiim ahayn in la diro iyo in kale.”

Muranka ka dhashay in Hilary Clinton ay isticmaasho e-mail gaar ah xilligii ay xog-hayaha ahayd; waxay dhibaato gaarsiin kartaa ololaha ay ku doonayso inay Jagada Madaxnimo ee dalka Mareykanka ugu tartanto,

Dhanka kale, Warbixinnnadaan ayay shaac ka Qaadistoodu waxay kusoo beegmaysaa xilli ay isu diyaarineyso Hilary Clinton codeyn muhiim u ah ololaheeda doorasho.

Ugu dambeyn, Clinton ayaa waxay Ololaheedaan Doorashada ku sheegtay ‘Tusaalaha aan kala sooca lahayn ee orodka baacsashada’ Waxayna dalbanaysaa in fariimaha sirta ah ee la helay la shaaciyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya