4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2016
Maxkamad Sagaal sano oo xabsi ah ku Riday Nin Soomaali ah oo Qirtay inuu taageeray Al-shabaab


Sabti, Janaayo 30, 2016 (HOL) — Maxkamad ku taalla Magaalada New York ee Wadanka Mareykanka ayaa ku Xukuntay Sagaal sano oo xabsi ah Nin Somalia ah; kaddib markii uu Qirtay in uu taageero u fiidyay Xarakada Al-shabaab ee Somalia ka dagaallanta.

Dacwad-oogista Maraykanka ayaa Sheegtay in Ninkan oo magaciisu yahay, Mahdi Xaashi kuna Dhashay Soomaaliya uu ka tagay Dalka Britain oo uu ku koray; kuna laabtay Somalia isagoo ku biiray Al-shabaab.

Sidoo kale, Mahad oo 26-jir ah ayaa Waxay ku Xukuntay Maxkamadda Brooklyn ee New York Jimcihii shalay, kaddib markii uu bishii May ee Sannadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka uu qirtay inuu taageero u fidiyay Al-shabaab.

Mahdi Xaashi ayaa waxaa la qabtay sannadkii 2012-kii; iyadoo lagu Qabtay Bariga Afrika, kaddibna waxaa loosoo wareejiyay ciidamada amniga Maraykanka.

Waxay kaloo Dacwad-oogistu Xustay inuu Mahdi wada-shaqayn la lahaa Cumar Xamaami iyo kooxo u dhashay dalka Maraykanka ee uu hoggaamin jiray. Xamaami isla markaana uu ka mid ahaa mintidiinta ay Maraykanku sida weyn u raadinaysay illaa markii uu ku dhintay weerar ay qaadeen xoogagga Al-shabaab.

Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa Sheegtay in Ururka Al-Shabaab ay doonayaan inay Qortaan Dagaaly-ahanno Reer Galbeedka ah Sababtoo ah si dhib yar ayay isaga gudbi karaan Xuduudaha Caalamka.

Dhanka kale, isla Maxkamaddan ayaa toddobaadkii hore laba ruux oo Soomaali ah oo wata Baasaboorka Sweden oo la Shaqaynayay Mahdi Xaashi, iyadoo ku Xukuntay xabsiyo kala duwan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab oo tan iyo sannadkii 2010-ka maamulayay inta badan Koonfurta iyo Batamaha Somalia, balse waxaa laga saaray inta badan dhulkii ay ka Talinaysay kaddib weerarro ay ku qaadeen ciidamada DF Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya