4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2016
Madasha Midnimada iyo Dimuqraadi-yada oo ka soo horjeestay Go’aannadii Shirkii Wada-tashiga


Jimco, Janaayo 29, 2016 (HOL) — MADASHA Wada-tashiga iyo Dimuqraadiyadda oo ka kooban siyaasiyiin heer Federaal iyo heer Gobol ah, Xubno Baarlamaanka Federaalka iyo Xisbiyo Siyaasadeed ayaa kasoo hor-jeestay Go’aannadii laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga Doorashooyinka Somalia oo Toddobadakan ka dhacay Muqdisho.

War-muriyeedka ay maanta soo saartay Madasha ayaa lagu xusay inay ka hor-imaanayaan go’aannadii kasoo baxay shirkii doorshooyinka Dalka, waxayna warbixinta ay soo saareen ay ka koobnaayeen toddoba qodob.

Haddaba, Qodobbada lagu xusay War-murtiyeedka ayaa waxay u qornaayeen sidan:

1. Bayaanku wuxuu jabinayaa qodobbada Dastuurka KMG-ka ah sida; Qodobka 64-aad xarafkiisa (a), qodobka 72-aad iyo Qodobka 4-aad.

2 Go’aanka ku qoran bayaanka wuxuu ahaa mid aan loo dhamayn. Go’aan aan lagu qaadan WADAR OGGOL, Wuxuuna Khatar ku yahay Midnimada, Wada-jirka, Xasilloonnida iyo Ammaanka guud ee dalka.

3. Bayaanku, Wuxuu ka hor-imaanayaa Qaraarka Baarlamaanka ee Taariikhdiisuna ahayd: 27-1-16 oo Tilmaamaya: (a) In go’aanka wada-tashiga uusan jebin Dastuurka; iyo (b) inuu noqdo wadar-oggol.

4. Bayaanku, Wuxuu tilmaan cad u yahay in ay Hoggaanka Qaranku ku Fashilmeen Meel-marinta Higsiga dalka ee 2016-ka & abuurida heshiis loo dhan yahay oo haysta kalsoonida shacabka loogana gudbo Marxaladaan Xasaasiga ah.

5. Aragtida Bayaanka, Nasiib-darro; waxay albaabbada ka xirtay Nidaamka Axsaabta. Sida la ogsoon yahay ansixinta sharciga Axsaabta waxaa ula kac u meer-meeriyay xukuumadda, axsaabtuna dacwad arrintaas la xiriita waxay u gudbiyeen maxkamadda sare.

6. Beesha Caalamka waxaan uga mahad-celinaynaa garab-istaagooda dadka Soomaaliyeed, Waxaanan ku adkaynaynaa inaysan hor-boodin go’aanno qabyo ah, ceyriin ah oo dastuurka khilaafsan; kuwaasoo keeni kara in Somalidu ku kala fogaato Midnimadooduna Wiiqanto.

7. Ugu dambayntii, Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Waxay soo jeedinaysaa in Dadaal la galiyo in la Abuuro is-faham Qaran oo laga wada Qayb-galo, loo dhan yahay oo aan la dadajin lana gacan-maroojin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya