4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2016
SUCUUDIGA: Afar Ruux oo lagu Dilay Weerar lagu Qaaday Maanta Masjid ay Shiicadu leedahay


Jimco, Janaayo 29, 2016 (HOL) — Weerar isugu jiray Qarax iyo iska-horimaad Toos ah oo maanta lagu qaaday masjid ay leeyihiin Shiicada oo ku yaalla Saudi Arabia ayaa lagu dilay afar qof, sida ay sheegeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Saudi Arabia iyo Goob-joogayaal kale.

Masaajidka la weeraray oo lagu magacaabo Imam Rida ayaa ku yaalla magaalada Mahasen oo ka Tirsan Gobolka ku yaalla Bariga Saudi Arabia, ayna ku nool yihiin dad Sunniyiin iyo Shiico isugu jira, waxaana weerarkan ku dhaawacmay 18 ruux.

Inkastoo aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyadda Weerarkan, haddana Weerarro ka dhacay dalka Sucuudiga oo noocan oo kale ayaa waxaa sheegtay malleeshiyaad Sunni ah; waxaase gobolka uu Weerarkan ka dhacay ku xooggan bulshada Shiicada ah ee Sucuudiga ku nool.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya kaddib muddo bil ah markii ay xukuumadda Sucuudigu dileen 47-qof oo xukuumadu ay sheegtay inay ka tirsanaayeen Al-Qaacida, kuwaasoo lagu helay inay Falal Ammaan-darro ka geysteen Waddankaas Sannadkii 2013-kii, Waxaana ka mid ahaa Sheekh Nimr Al-Nimr oo ahaa wadaad Shiico ah; iyadoo dilkiisa uu sababay inay xiriirkii kala goostaan dalalka Saudi Arabia iyo Iiraan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sucuudiga ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay ka heleen masaajidka laba bam oo aan qarxin, uuna ruux miineysanaa is-qarxiyay, kaasoo dilay Afar qof, qofkii kalena ay ciidanku qabteen, kadib markii ay is-rasaaseyn koobani dhex-martay.

Goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in qaraxa uu ka dhacay dibadda masjidka, balse ruux kale ayaa rasaas ku furay dadkii masjidka ku cibaadeysanayay oo ay tiradoodu ahayd 200-qof, wuxuuna dilay afar qof oo ka mid ah.

“Qaraxu wuxuu ka dhacay Bannaanka Masaajidka, laakiin qof kale oo wata qoriga u dhaca daran-dooriga, kaasoo dil iyo dhaawacba u geystay dadkii masjidkaas ku cibaadeysanayay. Balse Gudaha masjidka ayaa lagu qabtay ruuxaas, kaasoo si aad ah loo garaacay, Waxaana ninka oo dhaawac ah qaatay ciidamada amniga Sucuudiga oo goobta soo gaaray,” ayuu yiri ruux goobjooge ah oo warbaahinta la hadlay.

Ugu dambeyn, Al-Qaacida ayaa uga digay boqortooyada Sucuudi Carabiya inay ka shaleyn doonto Dilkii ay 47-ka Qof u geysatay 02-dii Jannaayo oo ay sheegtay inay falal Ammaan-darro kawadaan dalka Saudi Arabia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya