4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2016
Mashquul Dhanka Duullimaadyada ah oo ka Jira Garoonka DIYAARADAHA Beledweyne (Sawiro)


Jimco, Janaayo 29, 2016 (HOL) — Mashquul weyn oo dhinac Duullimaadyada ah ayaa ka jira garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, oo dhinaca kalana xiliga laga wado dib-u-dhis ay iska kaashanayaan hay'addo caalami ah, Ciidamada AMISOM iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya.

Ugu badnaan maalintii waxaa garoonka soo caga-dhigta ilaa 10 diyaaradood oo isugu jira kuwa rakaabka ee dadweynaha, dulimaadyada ay isticmaalaan hay'addaha QM ee United Nation -ka iyo diyaarado militari kuwaa oo sahay iyo agabka kale oo ay u baahan yihiin u keena ciidammada midowga Africa AMISOM.

Dullimaadyada taga Beledweyne, ayaa intooda badan ka yimaada magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Halka dhinaca kale mar marka Qaar ay si toos ah uga soo dagaan Diyaarado ka soo kicitima dalalka ay ciidammada ka joogaa Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Hiiraan ee Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaa oo u badan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters -ka.

Baladweyne. waxaa ka furan xafiisyo ay leeyihiin shirkadaha kala duwan ee dulimaadyada, halkaasoo laga Diiwaan-galyo dadka dhoofaya, waxaana muuqata in korarka Xafiisyadaan iyo Dullimaadyada ka taga Magaalada intaba wax weyn ka beddeleen Qiimihii markii hore lagu raaci jira diyaaradaha, madaama uu hadda jiro tartan dhanka shirkadaha dulimaadyada ka shaaqeeya oo ay ka faa'ideen dadka shacabka ah.

Sidoo kale, Shirkadahan ayaa xilligan kusoo kordhayay safar ay ku tagayaan Buula-bure ee gobolka Hiiraan oo qofka ka baxaya magaalada Beledweyne ee raba in uu tago Buula-burte laga qaadayo lacag dhan $60 doolar, taasoo aad moodo in dadweyne badan ay uga reysteen dhibkii ay kala kulmi jireen safarkii dhinaca dhulka.

Ugu danbeyntii, Inkastoo dadweynaha intooda heli karta dhaqaalaha ay u sahlan tahay inay si fudud ku gaaraan halka ay doonayaan iyagoo isticmaalaya diyaarad ayaa haddana waxaa ay Arrintaan saameyn weyn ku yeelatay Gadiidleyda u kala Safarta Muqdisho iyo Qaybaha kale ee dalku ka kooban yahay oo qaarkood HOL u sheegay in ay muddo dheer ku Qaadato uruurinta dadka rakaabka ah ee dhulka ku safraya tan & markii ay soo if-baxeen dullimaad-yadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya