4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2016
Booliiska Burundi oo Xabsiga Dhigay laba wariye oo u kala dhashay Dalalka Faransiiska iyo Britain


Jimco, Janaayo 29, 2016 (HOL) — Taliska booliiska dalka Burundi ayaa sheegay Jimcaha Maanta ah inay Xabsiga dhigeen laba Wariye oo Ajnabi ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay tabinayeen warbixinnada kooxaha rabshadaha wada ee dowladda Burundi kasoo horjeeda.

Wariyeyaasha la xiray ayaa kala ah; Jean-Philippe Remy oo u dhashay dalka Farasiiska isla markaana ahaa madaxa xafiiska Afrika ee Wargeyska Le Monde iyo sawir-qaade British ah oo lagu magacaabo, Phil Moore, kuwaasoo la xiray gellinkii dambe ee Khamiistii shalay.

Dhawaan ayaa labadan Wariye la Guddoonsiiyay abaal-marinno la xiriira Shaqooyinkii ay ka qabteen Afrika, dhowrkii Sano ee lasoo dhaafay; Waxayna Noqonayaan Wariyeyaashii ugu horreeyay oo Ajnabi ah oo lagu xiro Bujumbura.

“Labadan suxufi waxaa laga soo qabtay goob ay ku sugnaayeen kooxo dambiilayaal ah oo hubeysan,” ayuu Wasiirka ammaanka Burundi ku sheegay warbixin uu soo saaray maanta.

Sidoo kale, Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada Burundi, Willy Nyamitwe ayaa u sheegay Warbaahinta in labadan Wariye ee la xiray ay ka mid ahaayeen 17–qof oo Hubeysan oo ay booliisku howlgal kusoo qabteen.

Taliska booliiska Burundi ayaa iyaguna sheegay in hawl-gallada lagu soo qabtay labadaan Wariye iyo Kooxaha kale uu ka dhacay Xaafadda Nyakabiga ee Bujumbura, halkaasoo ay ku xooggan yihiin kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

“Wariyeyaasha la qabtay weli lama xukumin, weli waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo howlaha ay ka hayeen goobta lagu soo qabtay,” ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka booliska Dalka Burundi Moise Nkurunziza. Isagoo intaas raaciyay. “Haddii aanay wax dambiyo ah yeelan, waanu sii daynaynaa.”

Dhanka kale, War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wargeyska Le Monde ee Paris ayaa looga dalbaday Xukuumadda Burundi inay si deg-deg ah Wariyeyaashaan looga sii daayo xabsiga.

“Wariyeyaashu waxay Dalka Burundi ku joogaan fiisayaal sharci ah, waxayna gudanayeen waajibaayadooda shaqo ee la xiriira inay soo tabiyaan warbixinnada ku aaddan dhinacyada isku haya Burundi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Le Monde.

Jariiradda Le Monde ayaa waxay kaloo war-saxaafadeedkeeda ku tiri. “Dowladda Burundi, waa inay si dhaqso ah kusii dayso Wariyeyaasha Jean-Philippe Remy iyo Phil Moore oo ka tirsan Wargeyska, Amnigoodana la xaqiijiyo.”

Hay’adda Wariyeyaasha Ajnabiga ah ee Bariga Afrika (FCAEA) ayaa sheegay inay ka xun yihiin Xarigga labada Wariye oo iyaga ka tirsan, iyadoo War-saxaafadeed ay soo saareenna ayay ku sheegeen in wariyeyaashan ay ahaayeen kuwo xifad wanaagsan; laguna qoonsaday tabinta warbixinnada kooxaha xukuumadda Bujumbura kasoo horjeeda.

Ugu dambeyntii, Sawir-qaade Phil Moore oo u dhashay Britain ayaa wuxuu horay uga soo shaqeeyay Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, Wuxuuna sidoo kale kasoo shaqeeyay dalal ay colaado ka socdaan yihiin oo ay ka mid yihiin; Congo, Liibiya iyo Siiriya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya