4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2016
FAROOLE: Beesha Calaamku Arrimaha Somalia Faraha ha kala Baxaan ama Toos ha u Xukumaan


Jimco, Janaayo 29, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa kasoo hor-jeestay Heshiiskii lagu Go’aamiyay nooca Doorasho ee Somalia ka dhici doonta sanadkan 2016-ka, wuxuuna taageeray mowqifka madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas uu ku diiday go’aannadii kasoo baxay Shirkii Wada-tashiga ee lagu qabtay Muqdisho.

C/raxmaan Faroole oo warfidiyeenka kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay sidii Somalia ay uga baxday xilligii KMG-ka ahaa iyo Qorshihii la dajiyay 2012-kii, isagoo sheegay inay ahayd in Sannadkaan 2016-ka Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah, Xildhibaannada cusubna lagu soo doorto hab deegaan.

Sidoo kale, Faroole ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh in uu ku Tuntay Dastuurka, isla markaana ka baxay ballantii iyo Dhaartii uu maray uu hareer maray.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa sidoo kale dhaliilay fara-gelinta Beesha Caalamka ay ku hayso Arrimaha Somalia, gaar ahaan Wada-hadallada Geeddi-socodka Siyaasadda iyo doorashada 2016-ka, Wuxuuna Beesha Caalamka ugu baaqay inay faraha kala baxaan siyaasadda Somalia ama si cad ay u maamulaan dalka.

Ugu dambeyn, Hadalka C/raxmaan Faroole ayaa kusoo beegmaya xilli shirkii wada-tashiga doorashooyinka ee Muqdisho ka dhacay lagu Go’aamiyiay in lagu soo xulo xildhibaannada baarlamanka soo socda ee Somalia nidaamka 4.5-ka; taasoo ay Puntland ku gacan-sayrtay.

Si kastaba ha ahaatee, go'aannadii kasoo baxay shirkii wada-tashiga doorashooyinka dalka ee Muqdisho kusoo dhammaadaay ayaa waxaa soo dhaweeyay Beesha Calaamka oo uu ka mid yahay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya