4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2016
Wiilal Soomaali ah oo dhac ka geystay Magaalada Minneapolis, Gobolka MN ee Dalka Mareykanka


Jimco, Janaayo 29, 2016 (HOL) — Labo Wiil oo Soomaali-American ah oo lagu Qiyaasay da’dooda 20-jirka, kaddib markii ay habeenimadii Talaadadii ay dhac u gaysteen Macaamil ay wax kula iibsanayeen Ganacsiga Nooca loo yaqaanno Online-ka ee Craigslist meel wax-yar ka baxsan Dukaanka wayn ee Walmart ee Xaafadda Shakopee MN.

Booliiska Shakopee ayaa sheegay in mid ka mid ah labadan wiil ee la tuhunsan yahay uu la kulmay dhibanaha meesha laga galo Welmart-ka, Wuxuuna gacanta ku haya Teleefoon ay kala iibsan lahaayeen, kaddibna wuu la cararay Teloofoonkii, iyadoo goobta uu ku sugayay gaari nooca loo yaqaan Vanka ama Mini-bus.

Kaddibna, Waxaa dhex-maray is-rasaaseyn; iyadoo Ninka dhibka loo gaystay uu haystay bistoolad u sharciyeysan. Dukaanka ayaa muddo gaaban xirnaa kadib dhacdadan, inkastoo dib loo furay.

Ugu dambeyn, Wiilasha la tuhunsanaa ayaa la gartay, iyadoo magacyadoodu kala ahayeen; Maxamed Maxamud Xasan oo 21-jir ah iyo C/maalik Axmed Aadan; waxayna kala deggen yihiin magaalooyinka Edan Prairie iyo Minneapolis

Xigasho WCCO MN

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minnesota, Minneosta