4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2016
Maxkamadda Madaxweynihii hore ee Ivory Coast oo Maanta ka billaabatay The Hauge (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 28, 2016 (HOL) — Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa maanta billowday inay dhageysto dacwadaha loo hayso madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast, Laurent Gbagbo, inkastoo uu isaguna dacwadaha loo haysto uu beeniyay.

Dacwadaha loo haysto Lautent Gbagbo ayaa la xiriira xadgudubyo dhanka Aadanaha ah oo ka dhacay dalkaas sannadkii 2010, markii looga adkaaday doorashadii ka dhacay Dalkaas.

Gbagbo ayaa noqonaya mas’uul ugu horreeyay oo madaxweyne soo noqda oo la horkeeno Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee ICC oo Xarunteedu tahay Magaalada The Hague ee dalka Netherlands.

Sidoo kale, Gbagbo iyo Charles Ble Goude oo ahaa Hoggaamiye hore oo Kooxo Hubeysan ayaa labadua diiday inay galeen Dambiyo la xiriira kufsi, dilal ay u geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Markii maxkamadda la keenay Laurent Gbagbo oo 70-jir ah ayaa wuxuu muuqday qof aad u farxsan oo mararka qaar Qoslaya, isagoo gacmaha u haatiyay xubnaha isaga difaacaya oo maxkamadda ku sugnaa. Iyadoo la sheegay in maxkamadiisu ay socon karto muddo saddex illaa afar sannadood ah.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Ivory Coast Laurent Gbagbo ayaa diiday in uu Xilka ka dago markii uu kaga Adkaaday Doorashadii Madaxnimo ee Dalkaas; Alassane Ouattara sanadkii 2010-kii. Markaasoo ay billowdeen dagaallo muddo Shan bilood ah socday oo uu dhiig badani ku daatay.

Iska-horimaadyadaas ayaa waxaa ku geeriyooday qiyaastii 3,000 oo ruux, iyadoo Gbagbo uu muddadaas ay dagaalladu socdeen ku sugnaa qasriga madaxtooyada dalka Ivory Coast ee Abidjan.

Gbagbo waxaa qabtay ciidammo daacad u ahaa Madaxweynihii Jagada kaga Guuleystay ee Alassane Ouattara oo Gacan ka helayay Ciidammo Faransiis ah; Bishii Abriil ee Sannadkii 2011-kii; waxaana loo gudbiyay maxkamadda ICC ee The Hague.

Dacwad-oogaha maxkamadda ICC, haweeneyda lagu magacaabo; Fatou Bensouda ayaa ka sheegtay maxkamadda dhexdeeda in dacwada loo haysto Laurent Gbagbo ay ka mid yihiin haween badan oo la kufsaday, dilal loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyo kuwo kale.

Fatou Bensouda ayaa intaas ku dartay inay qorsheynayso inay maxkamadda hor yimaadaan 138 Markhaatiyaal ah, si ay ugu Marag-furaan dambiyadii uu geystay Madaxweynihii hore ee Ivory Coast, Laurent Gbabgo.

Ugu dambeyn, Laurent Gbagbo ayaa ku dhashay caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan sannadkii 1945-kii, wuxuuna markii ugu horreysay noqday macallin Cilmiga Taariikhda ka dhiga Jaamacad ku taalla Abidjan, iyadoo laba jeer la xiray sannadkii 1971-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya