4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2016
Golaha Wasiirrada XF Somalia oo Meel-mariyay Hannaanka Doorasho ee dalka ka dhacaysa 2016


Khamiis, Janaayo 28, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somalia oo isugu yimid maanta kulankoodii joogtada ahaa, ayaa ku ansixiyay qodobadii kasoo baxay shirkii madasha Wada-tashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho dalka ee sanadkan 2016-ka.

Hoos ka Daalaco Qodobbada Shirka kasoo baxay;

Baaqii Muqdisho ee 16-kii Dicember 2015-kii, kasoo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran, Waxaa lagu Xusay in Barlamaanka la soo dooranayo uu ka Koobnaanayo Aqalk Hoose iyo Aqalka Sare. Waxaa kaloo baaqaa lagu xusay in metelaadda xubnaha baarlamanka ay guud ahaan ku saleysnaan doonto isku dheellitirka deegaanada iyo beelaha.

 Muddadii ka dambaysay 16-kii December 2015-kii wadahadalo iyo wadaxajood dheeraad ah ayay galeen madaxda dowlada fedaraalka iyo maamul goboleedadu, kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 17-ka illaa 27-ka Janaayo 2016 kana qabsoomay magaaloyinka Kismaay iyo Muqdishibo.

Xumukumada Fedaraalka Somaliyeed iyadoo tixgelinaysa:

• Mabaadi’da ku xusnaa baaqi muuqdsisho
• Talooyikii ka soo baxay wadatashiyadii lala yeeshay dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka
• Himilada iyo hiiigsida dadka somaliyeed oo hamuun u qaba in ay doorashadu ku qabsoonto mudadii loogu talo galay iyo weliba in anu jiri doonin mudo korodhsi loo sameeyo xukumada ama baarlamaanka
• Kulamadii wadadaxajoodka ahaa e dhexmaray madaxda soomaaliyeed ee heer federal iyo heer maamul goboleed oo suurto gelinwayey in la helo hal habdorasho o wadar ogol ah
• Wakhtiga kooban ee hadhay, xalaada guud ee amni, iyo tan siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gudbo

Iyadoo ka duulaysa qodobada kor ku xusan waxay xukumada Federaalka ee Soomaaliya soo bandhigtay hanaanka dorasho ee hoos ku xusan, oo ay u aragto inuu yahay habka ugu haboon ee lagu hirgelin karo doorshada 2016ka.

Raiisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa taarikhdu marki ay ahayd 27-kii Jannaayo 2016-ka la wadaagay goaanka dowlada madaxda maamul goboleedyada, barlaamaka Soomaaliyeed iyo wakiilada beesha calaamka oo dhamantood soo dhawaayey goaanka dowlada.

AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:

• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay ahaanaysaa 275.
• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu salaynayaa nidaam ka 4.5.
• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Codeynta iyo tirinta doorashooyinku waxay ka dhacayaan caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Soomaaliland).

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:

• Aqalka Sare ee Baarlamaanka I waxa la dhisi doona ka hor inta anay dhicin doorashada aqalka hoose e baarlamaanka.
• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.
• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya.
• Xubnaha 6da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loogu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland, iyadoo la eegayo maqaamkooda iyo biseylkooda siyaasadeed iyo sida ay uga koobanyihiin tirada gobollada ugu ballaaran.
• Ugu yaraan 30% ee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Golayaasha Baarlamaanka ee dowlad gobolwedyada hada jira iyo kuwa samaysmaya aya soo dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka
• Hannaankan waxaa la isticmaali doonaa oo kaliya xilliga Doorashooyinka 2016ka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu Qaadacay Qodobbadii kasoo baxay shirka wada-tashiga doorashooyinka, kuwaasoo uu sheegay inaysan ahay wixii ay shacabka Puntland u soo wakiisheen inuu u soo qaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya