4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2016
Ciidankii Kenya oo Saaka isaga baxay Deegaanka Buulo-guud ee Dulleedka Magaalada Kismaayo


Khamiis, Janaayo 28, 2016 (HOL) — Ciidamadii Kenya ee Qaybta ka ahaa AMISOM ayaa Saakay isaga soo baxay Deegaanka Buulo-guud oo Qiyaastii 30-km Dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya inay ciidanka Kenya gaadiidkoodii iyo qalabkoodiiba kasoo rareen saldhiggii ay ku lahaayeen Buulo-guduud, iyadoo ciidamadii kale ee Jubbaland oo iyaguna ku sugnaa deegaankaas ay iyaguna isaga soo baxeen.

Illaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee ay ciidamada Kenya iyo weliba kuwii maamulka Jubbaland, iyadoo deegaankan uu noqonayo kii labaad oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay toddobaadkan isaga baxaan, iyagoo sidoo kalena ay isaga soo baxeen ciidanka Kenya saldhiggoodii deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka Jubbaland iyo taliska guud ee AMISOM ayaan weli ka haldin kasoo bixitaanka ay Ciidamada Kenya kasoo baxeen saakay Deegaanka Buulo-guduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Kenya ee AMISOM ka Tirsan iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa deegaanka Buulo-guduud ee Gobolka Jubbada Hoose kala Wareegay Al-shabaab Bishii Oktoobar ee sanadkii 2014-kii, halkaasoo ay illaa xilligan ku sugnaayeen,

Dhanka kale, wararka laga helayo deegaanka Buulo-guduud ayaa sheegaya inay kaabiga ku hayaan xoogagga Al-shabaab, iyadoo laga cabsi-qabo inay gudaha u galaan saacadaha soo socda.

Ugu dambeyn, xoogaga Al-shabaab ayaa waxay horay ula wareegeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo oo ay iyagana isaga baxeen Ciidamadii Kenya iyo kuwii maamulka Jubbaland ee  ku sugnaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya