4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2016
Xukuumadda Sweden oo Shaacisay in dalkeeda ay musaafurinayso Kumaaan Qoxooti ah


Khamiis, Janaayo 28, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Sweden, Anders Ygeman ayaa shaaciyay qorshe dalkiisa looga saarayo ku dhawaad 80,000 oo ah Qoxooti ku guuldareystay codsigooda magan-galyo doonka.

Dowladda Sweden ayaa aqbashay tiro badan oo Qoxooti ah marka loo barbar dhigo tirada dadka dalkaasi u dhashay ee ku nool. Sannadkii lasoo dhaafay oo keliya ayaa waddankaas gaaray in ka badan 160,000 oo Qaxooti ah.

Wadanka Sweden ayaa hadda shaaca ka qaaday inaanay albaabadeeda u sii furnaan doonin Qoxootiga ku qulqulaya Qaaradda Yurub, kuwaasoo xadka ka baxay sida ay sheegeen ma’suuliyiinta waddamada Yurub.

Anders Ygeman ayaa sheegay in qaxooti tiradoodu u dhexeyso 60 ilaa 80 kun oo ka mid ah kuwii dalkaasi gaaray sanadkii lasoo dhaafay balse ku guuldareystay codsiyadooda magan-gelyo doonka ah dalkaasi laga saari doono.

Wuxuu intaa ku daray in diyaaraddo khaas ah loo kireyn doono dadkaasi isla markaana uu hannaankaasi qaadan doono sanado.

Tirada Qaxootiga Gaaraya Sweden ayaa aad Hoos ugu dhacday kaddib markii uu Dalkaasi adkeeyay ammaanka xuduudihiisa bilowgii sannadkan 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya