4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2016
MADAXWEYNAHA: Somalia iyo Kenya Wadajir ayay ula dagaallami doonaan Kooxda Al-shabaab


Khamiis, Janaayo 28, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Eldoret ee dalka Kenya kaga qayb-galay baroor-diiq loo sameeyay ciidamadii dhawaan Kenya looga dilay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Halkaas ayaa ugu Horreyntii tacsi u diray Shacabka, dowladda iyo madaxda Kenya, isagoo sheegay inay Soomaaliya murugada iyo Tiiraanyada la qaybsaneyso reer Kenya.

“Waxaan u imid inaan idin kala qayb-galo Baroor -diiqda loo sameynayo geesiyaashii idin kaga dhintay Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa hawlgalka lagu nabadeynayo dalkeena. Fariinta aan idin wado waxay tahay inaan idin mahad celiyo, aana idin ku bogaadiyo taageerada aad inoo fidiseen xilli aad u adag. Weligeen waan idin garab-istaagi doonnaa, illaa aan nabad buuxda uga dhalino gobolkeenna. Waan hubaa inaan dhowaan ciribtiri doono Al-shabaab iyo kooxaha la midka ah,’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa xusay in kooxaha argagixisada, sida Al-shabaab ay yihiin kuwo aan ku dhaqmin wax diin ah, falalkoodana ay yihiin kuwo ka dhan ah bani’aadamnimada, sida laga dheehan karo falkii dhawaan ay ku laayeen dad aan waxba galabsan oo ku sugnaa Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, madaxweynaha Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta oo isagana halkaas khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee xuskan uu ka tarjumayo sida labada dal ay uga mideysan yihiin la dagaallanka argagixisada, isagoo xusay inaan marnaba la isku dhiibi doonin argagixisada.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo isna ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay baroor-diiqda ayaa xusay in caalamka looga baahan yahay inuu u midoobo la dagaallanka argagixisada iyo xagjir-nimada.

Ugu dambeyn, kulanka baroor-diiqda ah kaddib ayaa Madaxweyne Xasan wuxuu kulan gaar ah isla magaalada Eldoret kula yeeshay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. Kulankaasoo ay labada hoggaamiye uga wada-hadleen xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada waddan.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya