4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2016
SAWIRRO: Guddiga Adeegga Bulshada ee Golaha Baarlamanka oo Kormeeray Isbitaalka Madiina


Arbaco, Janaayo 27, 2016 (HOL) — Guddiga Adeegga Bulshada Baarlamanka Federaalka Somalia, ayaa maanta Kormeeray Isbitaalka Madiina oo ka mid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho ee la dhigo dhaawacyada iyo bukaannada kale.

Xubnaha Guddigan oo ka koobnaa dhowr xildhibaan ayaa waxaa isbitaalka Madiina kusoo dhoweeyey agaasimaha guud ee isbitaalka, Dr Maxamed Yuusuf & ku-xigeenkiisa Duniyo, iyadoo ujeedka kormeerkan uu ahaa u kuur-gelidda xaalada isbitaalka iyo bukaaanada jiifa.

Mas’uuliyiintan ayaa kormeeray Qaybaha Isbitaalka - sida; Qaybta Gar-gaarka deg-deg ah, Raajada (X-ray), Bukaan jiifka, Saalada Qaliinka, Sheybaarka, dayactir ku socday qaybihii hore ee Isbitaalka iyo Qaybo Cusub oo lagu Kordhiyay oo ay ka mid yihiin Hool Shirarka, qayb bukaan jiif ay dhistay hay’adda bisha cas ee Qatar iyo mashruuc Sollar System-ka ah oo loogu talo-galay in looga maarmo korontada shidaalka laga dhaliyo.

Intii guddigaan ay kormeerkoodaan ku jireen; Waxaa goob walba oo ay tagaan ka siinayay Warbixin Agaasimaha isbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Yuusuf, Waxaana Guddigan ay si gaar ah u booqdeen dadkii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay xeebtii Liido oo uu ka mid ahaa ilmo yar oo aabbihii iyo eeddooyinkiis ay halkaas ku dhinteen; isna ay dhaawacyo soo gaareen kaasoo isbitaalka lagu baxnaaninayay.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Yuusuf oo ka Hadlay Shir jaraa’id oo isaga iyo Xubnahaan ay si Wadajir ah ugu Qabteen isbitaaalka; ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kormeerka guddiga, Wuxuuna xusay inuu Isbitaalku si caadi ah u wado Adeegyada caafimaadka, uuna ku tallaabsaday horumarro kala duwan, isagoo intaa ku daray in muddo dheer ay isbitaalka ka taageeraysay dhinaca dawada Hay’adda ICRC.

Xildhibaan Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf oo wasiirka caafimaadka kasoo noqday Dowladihii KMG, haddana ah Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Caafimaadka ee baarlamanka Somalia oo isagana shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka uu ku talaabsaday isbitaaalka, wuxuuna xusay in Dowlidihii talada dalka isaga dambeeyey xilligii burburka aysan muhiimad weyn siinin adeegyada bukshada oo uu caafimaadku hormuud u yahay, isagoo Xukuumadda ugu baaqay iney xoojiso Wasaarada Caafimaadka si ay gudato waajibaadka loogu talo galay.

Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ugu dambeyn ka hadlay shirka jaraaid ayaa sheegay in kormeerkooda maanta uu qayb ka yahay kormeer gudigiisa uu ku kala bixiyo sannadkiiba mar isbitaallada si ay ugu kuur galaan Xaaladdooda.

“Farqi weyn ayaa u dhexeeya Kormeerkan iyo kii sannadkii hore aan ku nimid isbitaalkan; waxaana kusoo kordhay sida aan soo aragnay waxyaabo badan, Waxaana arrintaas Mahad-deeda iska leh maamulka isbitaalka oo xil iska saaray xoojinta howlaha uu isbitaalku hayo; Waana uga mahad-celinaynaa; ku Ammaanaynaa dadaalkoodaas,” ayuu yiri Prof. Dufle oo intaas raaciyay in warbixin ay ka diyaarinayaan Xaalada Isbitaalka Madiina, ayna u gudbin doonaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Gudiggan ayaa waxaa Kormeerkooda ku Wehlinayay Xildhibaan Abshirow oo ka tirsan Xubnaha Guddiga ayaa maalmaha soo socda Kormeero kan oo kale ah ku Tegi doona Isbitaallo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya