4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2016
Warbixin ay Maanta soo saartay HRW oo eedeyn loogu jeediyay Al-shabaab, DFS iyo Mamullo kale


Arbaco, Janaayo 27, 2016 (HOL) — Warbixin ay Maanta soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayay ku sheegtay in Dowladda Somalia iyo Ururka Al-shabaab ayaa khatar badan geliyay dadka rayidka ah, khatartaasoo ka timid dagaallada iyo xad-gudubyada kale ee dalka ka dhacay sannadkii hore ee 2015-kii.

HRW ayaa warbixinteeda ku xustay inay dhaceen iska-horimaadyo salka ku haya sameynta maamul-goboleedyada federaalka ah ee ay ku howlan tahay dowladda Somalia oo taageero ka helaysa Hawl-wadaagayaasha Caalamka. Dadweynaha Barakacay ayaa ah kuwo weli u nugul Xad-gudubyo Dhinaca Galmada ah iyo in si khasab loo raro. Waxaana Sidoo kale ay warbixinta ku Xustay in kooxda Al-shabaab ay si Sharci-darro ah oo aan kala sooc lahayn Weerarro ugu bar-tilmaameedsaday dadka rayidka ah.

“Saddex sano kaddib, markii ay xukunka qabatay, dowladda Somalia ayaan weli Awoodin inay sugto amniga Asaasiga ah ee dadweynaha ku nool deegaannada ay ka taliso,” ayay tiri Leslie Lefkow oo ah ku xigeenka madaxa Afrika ee hay'adda HRW. Iyadoo intaa ku daray. “Dhibaatooyinkaas waxaa uga sii daray weerarrada aan kala sooca lahayn ee Al-shabaab ay fuliso iyo fara-galinta ay ku hayso gar-gaarka bani’aadannimo.”

Warbixinta Hay'adda HRW oo ka koobanayd 659 bog, ayay hay’addu ku sheegtay inay dib ugu eegaysay falalka Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay in ka badan 90 Dal. Kenneth Roth oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Human Rights Watch ayaa Warbixintan ku xusay in weerarrada argagixisadu ay gaareen meelo ka baxsan bariga dhexe, iyo qulqulka qaxootiga ee lagu wajahay Dhibaataynta iyo Carqaladaynta ay ku Hoggaamisay dowlado badan in ay xakameeyaan xuquuqaha; iyagoo si khaldan isugu dayayay ilaalinta amnigooda.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu Xusay in Al-shabaab oo weli maamusha qaybo ka mid ah Soomaaliya ay weerartay dad rayid ah iyo goobahooda ganacsi, waxayna fuliyeen weerarro badan oo shakhsiyaad lagu beegsaday iyo dilal.

Dhinacyada dagaallamaya oo ay ku jiraan ciidamada dowladda, maleeshiyaadka taabacsan, Mucaaradka hubeysan, Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) iyo Ciidammo kale oo shisheeye ah ayaa dhamaantood ku xadgudbay shuruucda dagaalka, taasoo dhalisay waxyeello soo gaartay dad badan oo rayid ah.

“Xiisado ka dhashay maamul-goboleed cusub u sameynta bartamaha Somalia ayaa keenay iska-horimaadyo, kuwaasoo dhaliyay tacaddiyo ka dhan ah rayidka. Bishii Febraayo 2015-ka, iska-horimaad degmada Guriceel ku dhex-maray ciidamada Dowladda FS iyo xoogaga Ahlusunna Waljamaaca oo ah maleeshiyo Suufiyiin ah, ayaa sababay dhimasho dad shacab ah iyo barakac ballaaran,” ayaa warbixinta HRW lagu yiri.

Waxaa kaloo warbixinta lagu xusay in daba-yaaqadii Sannadkii 2015-kii, iska-horimaadyo soo noq-noqday oo Ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka cusub ee Galmudug ku dhex-maray Magaalada lagu Muransan yahay ee Gaalkacyo, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan sagaal qof oo rayid ah, tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen. Siday sheegtay Qaramada Midoobay, dagaalkaas ayaa waxaa sidoo kale ku barakacay dad ka badan 90,000 oo qof.

Hay’adda HRW ayaa Dowladda Somalia ku eedeysay inay ku guul-dareysatay difaacidda boqolaalka kun ee ah barakacayaasha ku nool caasimadda, kuwaasoo la kulma Tacaddiyo ba’an oo ay ka mid yihiin Xad-gudubyo dhanka Galmada ah. Sidoo kalena, dowladda FS ayaan raacin Siyaasaddeeda Cusub ee ku aaddan Barakacayaasha, Waxayna si khasab ah, mararka Qaarkood rabshad ku dheehan tahay ay ku Rartay Barakacayaal ku noolaa xeryo aan Rasmi ahayn.

“Intii lagu jiray sideedii bilood ee ugu horreeyay sanadkii 2015-kii, Barakacayaal ka badan 116,000 oo qof ayaa si khasab ah luga raray, sida ay sheegtay QM. Bishii March, Ciidanka dowladda ayaa howlgal ay Muqdisho ka sameeyeen xoog ku raray dad ka badan 21,000 oo qof, iyagoo garaacay qaar ka mid ah dadkaas, kana burburiyay cooshash ka sameysan, isla markaana dadkaas dhigay gargaar la’aan iyo weliba biyo iyo cunno la’aan,” ayaa mar kale lagu yiri Warbixinta HRW.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland ayaa lagu eedeeyay in mararka qaarkood ay xarig aan loo meel-dayin kula kacay weriyayaal iyo xubno maamulkaas dhaliisan. Iyadoo sidoo kale uu maamulka Somaliland ku guul-darreystay inuu si wanaagsan u difaaco dadka xanuunka Dhimirka qaba ee sida khasabka ah loogu hayo Xarumo gaar loo leeyahay, Dadkaasoo lagu xir-xiro silsilado, mararka qaarna la garaaco.

“Iyadoo lagu Mar-mar-siyoonayo ku Habboonaanta Siyaasadeed, ayaa is-beddello muhiim ahaa iyo Tallaabooyin wax looga qaban lahaa Dhibaatooyinka ka taagan Dhanka xuquuqda dalka dhinac la iska dhigay sanadka hore ee 2015-kii,” ayay tiri Lefkow oo intaa ku dartay. “Iyadoo horay loo dhaqaaqayo, dowladda Somalia iyo Hawl-wadaagayaasheed Caalamiga ah waa inay Xakameeyaan ciidamada geysanaya tacaddiyada, ayna mudnaan siiyaan isla-xisaabtanka.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya