4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2016
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Somalia oo Maanta gaaray Magaalada Beledweyne (Sawirro)


Arbaco, Janaayo 27, 2016 (HOL) — Xildhibaanno oo ka Tirsan Baarlamaanka Somalia oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa goor-dhaw soo gaaray degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaannada waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, siyaasiyiin, waxgarad iyo qaybaha bulshada, iyagoo intaa kaddibna warbaahinta faahfaahin ka siiyay ujeedadda socdaalkooda.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beylle oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baladweyne soo Gaaray ayaa sheeegay inay kasoo jawaabeen baqii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Waxgaradka ee ahaa in Mas'uuliyiinta Dowladda dhexe ee ka soo jeeda Gobolka kasoo Qayb-galaan kulan wada-tashi ah oo ka furmaya magaalada Beledweyne.

“Maalmaha aan joogno magaalada Baladweyne Waxaannu kulammo kala duwan la qaadan doonaa, maamulka, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo bulshada, wixii kulammadaas ka soo baxa ee go'aammo ahna dabcan waan idin la wadaagi doonaa,'' ayuu yiri xildhibaannka oo la hadlayay warbaahinta.

Xildhibaannada ayaa kala ah xildhibaan Nuur Iidoow Beylle, xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax, xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi, xildhibaan Calinuur Boodaaye iyo xildhibaanad Samiira Xasan Cabdulle.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in ay ku soo biiraan mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo xildhibaanno.

Socdaalka Siyaasiyiintan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Wax-garadka iyo odayaasha dhaqanka beelaha gobolka Hiiraan qaadaceen ka qayb-galka shirka degmada Jowhar oo ay ku tilmaameen mid laga weeciyay waddaddii saxda aheyd ee uu ku socday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya