4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2016
Benjamin Netanyahu oo ku Eedeeyay Xoghayaha Guud ee QM in uu Dhiirri-gelinayo Argagaxisada


Arbaco, Janaayo 27, 2016 (HOL) — RW Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon inuu dhiirri-geliyo Argagaxisada, iyadoo dhaleeceyntan ay tahay tii ugu horreysay oo uu Netanyahu u jeediyo Ban Ki-Moon.

Dhaleeceynta Netanyahu ayaa imaanaysa iyadoo Ban Ki-Moon uu ku sheegay warbixin uu Golaha Ammaanka ee QM u jeediyay Khudbad uu ku Dhaleeceeyay Colaadaha u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.

“Falastiiniyiintu waxay kusoo jireen dhibaato muddo nus Qarni ka badan; Rabshadahaasoo curyaamiyay Geeddi-socodka nabadda,” ayuu Hadalkiisa ku yiri Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-Moon.

Sidoo kale, Ban Ki-Moon ayaa wuxuu dhaleeceeyay Qorshe ay Toddobaadkii hore Israa'iil ku dhawaaqday oo ah inay 370 hector oo ku yaalla Daanta Galbeed ay sheegtay inuu yahay dhul ay iyagu leeyihiin.

“Tallaabadaas ay Israa’iil ku Dhawaaqday waxay sii Kordhinaysaa Rabshadaha ka Taagan gobolka, Waxayna dhaawac ku tahay geeddi-socodka nabadeed ee la doonayo in colaadaha lagu joojiyo,” ayuu Hadalkiisa ku daray Ki-Moon. Isagoo ku Tilmaamay Tallaabadaas mid fool xun.

Dhanka kale, Benjamin Netanyahu ayaa markii Dhaleeceeyay Hadallada Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-Moon, isagoo ku eedeeyay inuu dhiirri-gelinayo falalka argagaxisada ee ka dhanka ah muwaadiniinta Israa’iil.

“Hadalka Ban Ki-Moon waa kuwo uu ku dhiirri-gelinayo Argagaxisada,” ayuu Netanyahu yiri oo raaciyay. “Falastiiniyiintu ma ahan kuwo doonayaa inay dhistaan Dowlad, laakiinse waxay doonayaan inay bur-buriyaan Dowladda… Hadalladoodana waa kuwo isla-weynan ku dhisan.”

Balse, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaanay Hadaladiisu ahayn oo keliya kuwo uu ku dhaleeceeyay Rabshadaha Israa’iil ay waddo, Laakiinse wuxuu sidoo kale Falastiiniyiinta ugu baaqay inay Aqbalaan in wax la Qaybsado lana joojiyo Gacan-ka-hadalka.

Ugu dambeyn, Warbaahinta Caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay khudbaddii uu Ban Ki-Moon u jeediyay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ay qaarkeed ku tilmaameen hadal uu doonayo inuu shaqada uga tago.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya