4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2016
Madaxweyne Xasan oo ka Qayb-galaya Baroor-diiq loo Sameynayo Ciidamadii laga laayay Kenya


Arbaco, Janaayo 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta magaalada Eldred ee dalka Kenya, halkaasoo uu kaga Qayb-galayo Baroor-diiq iyo Aas loo sameynayo Askartii Kenya looga laayay Saldhig ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Baroor-diiqda loo Sameynayo Ciidamadii Kenya looga laayay Deegaanka Ceel-cadde ayaa sidoo kale waxaa ka Qayb-galaya Madaxweynaha Dalka Nigeria, Muhammadu Buhari sida uu baahiyay wargeyska The Daily Nation oo kasoo baxa magaalada Nairobi.

Afhayeenka madaxtooyada Somalia, Daa'uud Aweys oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay in wafdiga madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku tageen Kenya ay tahay sidii ay uga qayb-geli lahaa Baroor-diiq iyo Aas loo sameynayo askartii Kenya looga dilay gudaha Somalia.

Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyata ayaa baroor-diiqdaan kaddib waxaa la filayaa inay yeeshaan shir gaar ah oo ay kaga hadli doonaan howlgalka ay ciidanka Kenya qaybta ka yihiin ee AMISOM iyo arrimo kale oo aan la shaacin.

Illaa hadda si rasmi ah uma shaacin Dowladda Kenya tirada Askartii looga idlay weerarkii Toddobaadkii hore ay Al-shabaab ku Qaadday Saldhigga Ceel-cadde oo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya, inkastoo Al-shabaab ay sheegtay inay ku dishay weerarkaas in ka badan 100-askari, ayna ku qafaalatay 12-askari oo kale oo nool.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka baxay shalay Saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose iyo Gedo, kuwaasoo uu ku jiro saldhigga Ceel-cadde.

Laakiinse, afhayeenka ciidamada Kenya, Col. David Obonyo ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay ka baxayaan saldhigyadooda Soomaaliya, isagoo xusay inay tani qayb ka tahay dhaqdhaqaaqa ciidamada ee sida caadiga ah u dhaca.

“Waxaan Dalka Somalia ku joognaa Amarrada AMISOM; Maadaama aan Qeyb ka nahay howlgalka, sidaa awgeed kama tagayno mas’uuliyadda na saaran, waana sii joogi doonnaa Soomaaliya,” ayuu yiri Col. Obonyo oo Warbaahinta la hadlay.

Col. Obonyo ayaa intaas raaciyay inay Ciidamada Kenya ku sugan yihiin Section II oo ah meel aad u adag; balse ay daafacyo ka samaysan karaan halkii walba oo ay ka doonayaan. Waxaana Qaybta 2-aad ee howlgalka AMISOM la isku dhahaa gobollada Jubbada Dhexe, Gedo iyo Jubbada Hoose.

“Waxaan u joognaa Somalia inaan Al-shabaab ka saarno deegaannada aanu ka Howlgalno, welina Hawl-galadeennaas way socdaan,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka ciidamada millateriga Kenya.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya ayaa Wuxuu khasaare xoog leh kasoo gaaray Weerarkii lagu qaaday saldhiggooda deegaanka Ceel-cadde; iyadoo aysan weli Kenya caddeyn tirada ciidamada looga dilay weerarkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya