4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2016
Somalia oo Kaalinta hore ka gashay Waddamada Caalamka ee uu Musuq-maasuqa xoogani ka jiro


Arbaco, Janaayo 27, 2016 (HOL) — Warbixin cusub oo sanadle ah oo ay maanta baahisay Hay’ada Transparency International ayaa Waddamada Soomaaliya, Kuuriyada Waqooyi & Afghanistan ku tilmaantay Dalalka ugu Musuq-maasuqa badan Caalamka oo dhan.

Hay’adda ayaa warbixiinteeda ku xustay inay Warbixintan soo ururiyeen Khuburo ka kala socda Adduunka Daafihiisa, kuwaasoo Cabirayay Heerka Musuq-maasuqa Dhaqaalaha ay dowladuhu maamulaan.

Khuburadan ayaa waddamada Dunida oo dhan ku cabiray dhibco u dhexeeya 01 illaa 100, iyadoo dhinaca yar uu Macnahoodu yahay in Musuq-maasuqa ka jira Dalalkaas uu yahay mid xad-dhaaf ah.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Soomaaliya iyo Kuuriyada Waqooyi ay yihiin ka mid yihiin Dalalka ugu Musuq-maasuqa badan Caalamka, iyadoo la siiyay 08-dhibic Middiiba, Halka Afghanistan ay heshay 11-dhibcood, taasoo macanaheedu yahay in Somalia iyo Kuuriyada Woqooyi ay wadaagaan kaalinta koowaad ee dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

Ma jirin Dal helay 100-ka Dhibic oo ah in uusan Musuq-maasuq ka jirin Dalkaas, Waxaase 91-dhibic helay dalka Denmark, halka waddamada Finland & Sweden ay heleen 90-dhibic, kuwaasoo ah waddamada ugu musuq-maasuqa yar caalamka.

Waddanka Mareykanka ayay warbixintani ay siisay 76-dhibcood, taasoo caddeyn u ah inuu ka jiro musuq-maasuqa, Laakiinse laguma Caddeyn Warbixinta inta uu Musuq-maasuqaasi le’eg yahay ama baaxadda uu leeyahay.

Ugu dambeyn, Hay’adda Transparency International ayaa sheegtay in 6-bilyan oo ruux oo ka mid ah dadka dunida ku nool ay ku nool yihiin dalal uu ka jiro Musuq-maasuq xooggan.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo Soomaaliya lagu daro Liiska ugu sarreeya waddamada uu Musuq-maasuqu ka jiro, inkastoo Dowladda Federaalka Somalia ay dhowr jeer oo hore sheegtay inay dagaal kula jirto wax walba oo musu-maasuq ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya