4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2016
Al-shabaab oo deegaanka Lamu-Kenya ku dishay Toddoba sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Kenya


Arbaco, Janaayo 27, 2016 (HOL) — Toddoba ka tirsan ciidamada Kenya oo ka Haw-lgala Deegaanka dhirta badan ee Boni oo ka tirsan deegaanada xeebta dalka Kenya ayaa dhintay, kaddib markii Gaarigoodii ay la kacday Miino ay Waddada dhinaceeda ku Aaseen Xoogag ka tirsan Al-shabaab, Deegaanka Kiunga oo ka tirsan deegaanka Lamu ee xeebta Kenya.

Deegaanka Kaynta badan ee Boni ayay ciidamada Kenya ka billaabeen howlgallo ay kaga saarayaan xoogaga Al-shabaab bishii September ee sanadkii 2015-kii, laakiinse weli kuma guuleysan inay Al-shabaab ka nadiifiyaan deegaankaas.

Gaariga ay ciidamadu wateen ayaa ka yimid deegaanka Hindi isagoo ku socday deegaanka Kiunga markii shalay baqadii Qaraxu haleelay, sida uu sheegay mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Kenya oo diiday in magaciisa uu sheego sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu warbaahinta la hadlo.

“Baabuurka waxaa lahaa unug ka tirsan ciidamada gurmadka deg-degga ah ee dalka Kenya oo fariisinkoodu yahay Mangai, Waxaana sarnaa 15-sakraal, iyadoo Miinadu ay la kacday iyagoo u socday inay alaabooyin soo iibsadaan,” ayuu yiri sarkaalka magaciisa Qariyay oo u warramayay waregyska The Star ee Kenya ka soo baxa.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Toddoba ka tirsan ciidankii gaariga la socday ay dhinteen, sadex kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasoo la dhigay isbitaalada si loogu daweeyo, balse ma uusan sharraxin dhaawacyadooda nooca ay yihiin.

Dhanka kale, Sarkaal kale oo isaguna Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in la la’yahay tiro ka tirsan Saraakiishii Gaarigaas la socday, meel ay jiraanna aan illaa hadda la ogeyn.

Ugu dambeyn, saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay inaysan jirin weli cid loo qabtay Qaraxa lagu dilay askarta Keeyaanka ah, balse waxay xuseen inay ka dambeysay weerarka kooxda Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkan ayaa kusoo beegmayaa iyadoo askar badan oo Keenyaan ah lagu laayay Toddobaadkii hore Weerar ay Al-shabaab ku Qaadday Saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya