4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2016
HILLARY: Somalida Minnesota Safka hore ayay kaga jiraan Dagaallada lagu jiro Argagaxisada


Arbaco, Janaayo 27, 2016 (HOL) — Hillary Clinton oo ah Musharaxad ka socota Xisbiga Dimuqraadiga ah ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaalida ku dhaqan Gobolka Minnesota ay qaybta hore kaga jiraan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee caalamka.

Clinton ayaa hadalkan jeedisay mar ay su’aalo uga Jawaabeysay Dad Muslimiin ah oo ka qayb-galay kulan ay Taageerayaasheeda habeen hore kula yeelatay gobolka Iowa ee dalka Mareykanka.

Murashaxadda oo ka jawaabaysay su’aal ay weydisay Haweeney Xijaaban oo Muslim ah waxay ka qabto waxa ay Reer Galbeedku ugu yeeraan Islam naceyb-ka, ayay xustay in Muslimiinta Mareykanka ay u mideysan yihiin la dagaallanka kooxaha Xagjiriinta ah.

Sidoo kale, Waxay tusaale u soo qaadatay booqasho ay ku tagtay Magaalada Minniapolis ee Gobolka Minnesota; halkaasoo ay sheegtay inay kula kulantay koox badan oo ka mid ah Soomaalida gobolkaas ku nool, kuwaasoo ay sheegtay inay la wadaageen walaacooda ku aaddan arrimaha argagixisada.

HillaryClinton ayaa sheegtay inay Soomaalidii ay la kulantay ay safka hore kaga jiraan la dagaalanka argagixisada, isla markaana ay dagaal adag u galeen is-hor-taagga carruurta Soomaaliyeed ee la xag-jireeynayo si ay dibadda uga soo dagaallamaan.

Dhanka kale, waxay kaloo Clinton intaasi ku dartay in Soomaalida Minnesota ay iskaashi la leeyihiin ciidamada Amaanka oo ay ka wada-shaqeeyaan sidi ay meel uga soo wada-jeesan lahaayeen kooxaha xag-jirka ah.

Gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa ah gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool waqooyiga Ameerika, waxaana Soomaalidu ay gobolkaas degayeen tan iyo 1991-kii markii uu burburku ka dhacay Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Hillary Clinton ayaa sheegtay inay habboon tahay in dhammaan dadka Mareykanka ah ha ahaadaan Mulsim ama Masiixi ay muujiyaan wadajir iyo inay ka go’an tahay iska difaacadda kooxaha argagaxisada ah iyo cid walba oo rabshad wadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya