4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2016
Muqdisho: Kulan loogu duceeyay Ug. C/raxmaan laguna taageeray Ugaas Xasan Ug. Khaliif (SWR)


Arbaco, Janaayo 27, 2016 (HOL) — Kulan loogu duceynayay EEBBE u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo 03-dii bishan Janaayo ku geeriyooday degmada Beledweyne, isla markaana laguna taageerayay go'aamada, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka waxaa ka qayb-galay oo goob-joog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin, Aqoon-yahano, Dhallinyaro, Haween iyo Qurbo-joog.

Dadkii ka hadlay kulankaasi ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta midninada iyo sida loogu baahan yahay in bulsho ay yeelataa hoggaan; isla markaana ay ugu dambeysaa wax kasta oo wanaag ah Ugaas Xasan Ugaas Khaliifna; waxayna ka rajeeyeen inuu ka shaqeeyo mid-nimada ummadda Soomaaliyeed; gaar ahaan reer Hiiraan.

Cali Sh. Axmed iyo Dr. Maryan Xaaji Cilmi oo ku hadlayay magaca Qaban-qaabiyeyaasha kulanka ayaa sharraxay sida ay muhiimka u tahay in loo duceeyo Ugaas Craxmaan Ugaas Khaliif; lalana shaqeeyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, waxayna bogaadiyeen sida uu u qaatay go'aanada saldhiga u ah midnimada.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax oo isagana Kulankaas ka hadlay ayaa xusay in mar walba ay taageersan yihiin midnimada loona baahan yahay, in la midoobo waxaana uu xusay in ummaddi waxay ku tahay dad qiimana ay  ku leedahay ay tahay dhul loona baahanyahay in mar walbo maanka lagu hayaa taasi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya