Saraakiil Itoobiyaan ah oo Howl-galka AMISOM ka tirsan oo gaaray xarunta J/hoose ee Kismaayo


Sabti, Janaayo 02, 2016 (HOL) — Tobaneeyo sarkaal oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah Howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Jimihii shalay ahaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo qiimeyn ku sameyn doona sida la sheegay halka ay dagayaan ciidammo Itoobiyaan ah oo la qorsheynayo in Kismaayo la geeyo.

Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saraakiishaan Itoobiyaanka ah ay la kulmeen mas'uliyiinta maamulka Jubbaland, ayna kawada hadleen sidii cidiammo Itoobiya ka socda oo qayb ka ah AMISOM loo geyn lahaa Kismaayo.

Inkastoo warbaahinta afka Soomaaliya ku hadla ay sheegeen in boqolaal askari oo ciidanka Itoobiya ka tirsan, kuwaasoo la sheegay inay bedelayaan ciidamadii Sierra Leone ee horay uga baxay Somalia, qaybtana ka ahaa Howlgalka AMISOM.

HOL ayaa xaqiijisay in ciidammo Itoobiyaan ah aysan gaarin magaalada Kismaayo, laakiin ay gaareen saraakiil Itoobiyaan ah oo indho-indheynaya halka ay ciidamadoodu dagayaan. waxaana tani ay qayb ka tahay xoojinta howlgallada  AMISOM ee Koonfurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wararka ay HOL ka helayso Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Itoobiyaanka ah ee la geynayo Kismaayo ay tegi doonaan maalmaha soo socda, iyagoo ka qayb-qaadanaya howlgallo la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanno Jubbooyinka ka tirsan oo ay Al-shabaab ka taliso, sida Jilib, Jammaame iyo kuwo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya