4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
SAWIRRO: Wasiiro xukuumadda FS ka tirsan iyo danjiraha Jabuuti oo maanta gaaray Buula-burte


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan Waxaa ka dagay maanta xubno ka tirsan golaha wasiirada dowladda Somalia iyo danjiraha Jabuuti ee Somalia, Dayib Dubad Rooble.

Xubnaha Wasiirrada ah ee gaaray Buulo-burte ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac Jangali, waxaa ka mid ahaa; wasiirada caafimaadka, gadiidka iyo dekedaha, agaasmiyayaal iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adaha Dowladda Somalia.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, saraakiisha ciidammada dowladda Somalia iyo taliyaha ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, Col Cismaan Dubad.

Mas'uuliyiinta ayaa u tagay Buulo-burte sidii ay uga Qayb-geli lahaayeen xafladda Xarigga looga jarayo garoonka diyaaradaha degmadaas oo ay dib-u-diyactir balaaran ku sameeyeen Saraakiisha ciidamada dalka Jabuuti oo kaashanaya shacabka degmada Buula-burte.

Wasiirka Duulista Hawada Somalia, Cali Jangali ayaa ku booriyay Maamulka iyo shacabka degmada inay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaale oo ay ka mid yihiin Garoommada Diyaaradaha, wuxuuna dhinaca kale ku ammaanay saraakiisha Jabuuti sida ay uga Qayb-qaadanayaan hormarinta adeegyada muhiimka u ah bulshada.

Ugu dambeyn, degmada Buula-burte oo loo magacaabay inay noqoto caasimada maamulka loo sameynayo gobollada Hiiraan & Shabeellada dhexe ayaa labadii cisho ee lasoo dhaafay marti-galisay wafuud kala duwan oo ka socday Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, HIiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya