4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
Baaq lagu taageeray Dadaallada Nabad Raadinta ah ee laga Wado Magaalada Taleex (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Shir jaraa’id oo Maanta ay Magaalada Laascaanood ku qabteen gudiyada odayaasha, haweenka iyo dhallinyarada degmooyinka Xudun, Taleex, Laascaanood iyo Ceeri-gaabo ayaa lagu Taageeray dadaallada Nabadeed ee ay Odayaasha dhaqanku ka wadaan degmada Taleex ee gobolka Sool.

Guddiyada oo shirka jaraa’id ku qabtay xaruntooda degmada Laascaanood ayaa waxay ku muujiyeen inay Hiil iyo Hooba la garab-taagan yihiin cid kasta oo xal nabadeed ka gaadhi karta dhibaatooyinka u dhexeeya dadka Walaalaha ah ee Wada dega magaalada Taleex.

Afhayeenka guddiga odayaasha Cabdi Maxamed Cawil oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay u mahad-celinayaan Madaxda dhaqanka ee ku sugan Taleex; ayna diyaar ula yihiin in ay gacan ka siiyaan wixii ay uga baahdaan.

"Waxaad qabanaysaan waxaan innagu qaban waynay, waxaan doonaynaa inaysan la tani la mid noqon isku-dayadii horay u dhicisoobay, innaguna garabkiinna ayaan taaganahay ee na hoggaamiya howshiinna Alle ha idinku guuleeyeen," ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay wax-garad kala duwan oo kasoo kala socda Saddexda garab ee uu ka kooban yahay gudiga horumarinta deegaanadan ee loogu yeero ‘Maxamuud Barri’ ayaa ka kooban odayaal, haween & dhallinyaro, waxayna dhamaantood isku raaceen inay muujiyaan Taageerada ay u hayaan in mar Xal loo helo Xiisado is-biirsaday oo muddo shan sanno ka badan ka taagnaa halkaas.

Ugu dambeyn, illaa siddeed ka mid ah madaxda dhaqanka ayaa Xilligaan ku Sugan Taleex, iyadoo qaar kalena la sugayo inay gaaraan si ay xal uga gaadhaan xiisado dhimasho badan sababtay oo sanado kala duwan ka dhacay Taleex, iyadoo ay laba dhacdooyin oo iyana aad u cuslaa ay dhamaadkii sanadkii hore soo af-jareen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool