4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
Wasiirka Difaaca oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Midowga Yurub ee Tababara Ciidamada Somalia


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Wasiirka Difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socota Midowga Yurub oo Hogaaminayay, Jen. Antonio Maggi oo ah taliyaha Midowga Yurub ee tababarada siiya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Jen. C/qaadir Diini iyo Saraakiisha Ururka Midowga Yurub ayaa kawada Hadlay Dar-dar-gelinta Tababarrada iyo taakuleynta Midowga Yurub ay siiyaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Diini ayaa uga mahad-celiyay taageerada ay mar walba la garab-taagan yihiin CXD. isagoo amaanay kaalinta xooggan ee ay Saraakiishu ka Qaadanayaan dib u dhiska Ciidanka xogga dalka Somalia. Isagoo xusasy in sannadkan 2016-ka la kordhin doono tababarrada si kor loogu qaado xirfada iyo aqoonta ciidanka xoogga Somalia.

“Xiriirka ka dhaxeeya Somalia iyo Midowga Yurub waa mid wanaagsan. Waxayna nagala qayb-qadanayaan dib-u-dhiska ciidamada xoogga oo Metela bulshadeenna oo dhan. Ciidan tababar fiican leh oo Asluub iyo akhlaaq wanaagsan leh oo sidoo kalena dhawro xuquuqda shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jen. Diini.

Ugu dambeyn, taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarida ciidamada Somalia, Jen. Antonio Maggi ayaa sheegay inay Midowga Yurub ka go’an tahay taakuleynta ciidamada xoogga dalka Somalia, Wuxuuna ballan-qaaday inay kordhin doonaan tababarka ay siiyaan ciidamada xoogga dalka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya