4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland & Gudoonka Baarlamaanka oo Maanta Gaaray Baydhabo

Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) —Iyadoo Maanta ay Magaalada Baydhabo ka dhacayso Munaasabad lagu Caleemo-saarayo guddoonka baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa Baydhabo gaaray Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland C/qaadir Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan iyo Xubno ka Tirsan Jubbaland. Waxaana Wafdiga garooonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaas.

Madaxweyne kuxigeenka oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in Baydhabo ay u yimaadeen sidii ay uga Qayb-gali lahaayeen munaasabadda caleemo saarka gudoonka Baarlamanka.

Soo dhaweynta kaddib, Waxaa la geeyay Hoolka ay ka dhacayso Xafladda Caleemo-saarka Gudoonka Baarlamanka maamulka Koonfur Galbeed; Halkaasoo ay ku sugan yihiin madax ka kala socota dowladda Somalia, dowlad goboleedyada iyo masuuliyiin kale oo ka socota beesha caalamka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya