4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
Nairobi oo lagu Qabtay Lacag Been-abuur ah oo ka badan Boqol Bilyan oo Shilling (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Booliska Kenya, ayaa gacanta ku dhigay lacag been abuur ah oo lagu qiyaasay 112 Bilyan oo Shilling-ka Kenya ah, taasoo la damacsanaa in si tuuganimo ah loogu ganacsado.

Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Kenya Joseph Boinett, ayaa warbaahinta u soo ban-dhigay lacagtaas oo ku jirtay ilaa siddeed Boorso, wuxuuna sheegay in Lacagtaan laga helay labo guri oo ku yaallo Xaafadaha Kilimani iyo Diamond Park ee magaalada Nairobi.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in labo nin oo u kala dhashay dalalka Cameroon iyo Niger oo lagu kala magacaabo Cusmaan Ibrahim Bako iyo Mohammed Sani oo loo yaqaano Dr Mustafa loo xiray iney ku lug lahaayeen lacagtaan been abuurka ah, sidoo kalana wuxuu tilmaamay Taliyuhu in howl-galka lagu soo qabtay Lacagtaas iyo raga ku eedeysan uu yimid markii nin ganacsado ah laga dhacay 40 Milyan oo lacagta Kenya ah, kadibna ciidamadu ay daba-gal sameeyeen.

Agaasimaha hay’ada dambi-baarista Kenya oo lagu magacaabo Ndegwa Muhoro iyo ku xigeenkiisa Gideon Ashimalla, ayaa shir jiraa’id oo ay qabteen waxey ku sheegeen in Guryaha laga helay lacagtaas ay sidoo kale ka heleen Kumbiyuutaro, Mishiinka lagu daabaco lacagta. Waxyaabaha Kiimikada ah ee lacagta lagu qaso. Qalabka loo adeegsado sameynta lacagta iyo Xabagta ama Koolada lagu dhajiyo.

Dhanka kale, khuburada ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha Kenya iyo wareega lacagaha, ayaa waxey ku qiyaaseen lacagtaas been abuurka ah iney u dhiganto kala bar miisaaniyada Wasaarada Waxbarashada Kenya ay sannadkii ku shaqeyso iyo hantida ku bixi karto dhisida wado dheerarkeedu uu yahay 50KM.

Sidoo kale Quburadu waxey ku tilmaameen lacagtaas been abuurka ah in ay dhibaatooyin xoogan u geysan laheyd dhaqaalaha Kenya oo ay ku noqon laheyd halis weyn haddii gali laheyd suuqa.

Dhanka kale, Sannadkii 2010-kii ayay aheyd markii nin u dhashay dalka Nigeria loo xiray inuu ka dambeeyay sameynta lacag been abuur ah oo lagu qiyaasay 1.5 Milyan oo lacagta Mareykanka ah taasoo laga helay xaafada Donholm ee magaalada Nairobi.

 

Sidoo kale sannadii 2013-kii ayey aheyd markii garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi lagu qabtay saddex nin oo u dhashay wadanka Turkiga, kuwaasoo la sheegay iney Kenya ka dhoofiyaan lacag dhan $348,000 oo Dollar-ka Mareykanka ah, taasoo la sheegay iney ku dhex qariyeen Boorsooyinkoodii dharka isla markaasna ay damacsanaayeen iney u dhoofiyaan wadanka Somalia. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya