4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
Al-shabaab oo Toogatay Laba Ruux oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen DF iyo AMISOM


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa toddobaadkan horraantiisii waxay fagaare ku yaalla gobalka Shabeelada Hoose ku dishay labo qof oo ay ku eedeysay inay la shaqeeya ciidamada AMISOM iyo dowladda federaalka.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha uu dilku ka dhacay, iyadoo labada qof ee la toogtay oo rag ahaa lagu kala magacaabi jiray; Cabdi Eeney Deerow oo 33-jir ahaa, kaasoo la sheegay inuu AMISOM u qaabilsan Qodista difaacyada iyo Asad Mayow Xaaji Cismaan 20-jir ahaa oo la sheegay inuu ka tirsanaa sirdoonka dowladda Somalia.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo goob ka hadlay ayaa shacabka ugu hanjabay in gacan bir ah lagu qaban doono dadka lagu helo inay wada-shaqeyn kala dhexeyso dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab disho dad ay ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin dowlada u shaqeeya, waxaana labadan qof ay ku noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo ay disho sannadkan cusub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya