4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2016
Xukuumadda Kenya oo sheegtay inay duqeysay Saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Soomaaliya


Talaado, Janaayo 19, 2016 (HOL) — Iyadoo xoogag taabacsan Al-shabaab ay ku qaadeen weerar saldhig ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayna ku dileen sida ay sheegeen in ka badan 100-askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayay ciidamada waxay markii ugu horreysay sheegeen in ay duqeeyeen saldhig ay Al-shabaab leedahay.

Taliyaha ciidamada Kenya ayaa sheegay in duqeyntan ay khasaare badan kasoo gaartay Al-shabaab, inkastoo uusan sheegin khasaaraha ka dhashay, balse Al-shabaab ayaa sheegtay in diyaaradaha Kenya ay duqeeyeen deegaan ku dhow degmad Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay xasuuq u geysteen shacab ku noolaa deegaanka ay duqeynta ka geysteen, taasoo ay sheegeen inay tahay mid aar-gudasho u ah weerarkii saldhigga AMISOM ee Ceel-cadde.

“Si kasta oo ay tahay waxaa naga go’an inaan difaacno dalkeenna, waxaana ugu baaqaynaa waddamada kale ee dariska ah inay gacan nagu siiyaan sidii aan uga taqalusi lahayn argagaxisada, si aan u xaqiijinno amni iyo nolol gobolka ka hir-gasha,” ayuu yiri madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Kenyatta ayaa wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka Kenya inay gacan weyn ka siiyaan ciidamada sidii loo jabin lahaa Al-shabaab, isagoo yiri. “Waxaanu idin ka doonaynaa inaad taageero buuxda siisaan ciidamada, si ay amniga guud ee dalka uga shaqeeyaan.”

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya aysan waxba ka qaban karin gudaha Soomaaliya iyagoo aan taageero ka haysan shacabkooda iyo kuwa kale ee gobolka ku nool.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaan weli sheegin tirada dadka rayidka ah ee duqeyntan ay ciidamada Kenya ku dileen, iyagoo iska fogeeyay in la duqeeyay saldhigyo ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Dhexe.

Ugu dambeyn, gobolka Jubbada Dhexe ayaa ah gobolka keliya ee ay Al-shabaab gacanta ku hayso gabi ahaan, waxaana dhowr jeer ooh ore ay ciidamada Kenya uga geysteen duqeymo ay dad badan ku dhinteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya