4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2016
WARBIXIN: Shirweynihii Wada-tashiga ahaa ee Hoggaanka Soomaaliya ay ku yeesheen Kismaayo


Isniin, Janaayo 18, 2016 (HOL) — Kulankii Wada-tashiga Qaran ee Madaxda Somalida ay ku yeesheen degmada Kismaayo oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Maxamad Sh. Cusmaan Jawaari, RW Somalia, Cumar C/rashiid, Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur-galbeed, Jubbaland & Galmudug iyo xubno kale ayaa waxay uga doodeen sidii ay isugu waafaqi lahaayeen qaabka doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadkan.

Kulankan oo lagu Qabtay Magaalada Kismaayo, 10-kii illaa 14-kii Janaayo, 2016, Wuxuu daba-socday baaqii kasoo baxay kulankii madasha wadatashiga Qaranka ee Muqdisho lagu qabtay 16-kii bishii December ee sannadkii hore 2015-ka.

Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul-gobolleedyadu waxay dadaal dheer u galeen ka mira-dhalinta wada-xaajoodka Kismaayo ee xulashada Qaabka doorasho oo la dhaqan-gelin karo 2016-ka iyo qorshaha meel-marinta hab doorasho. Waxaay si qoto-dheer uga hadleen sidii ay isugu Raaci lahaayeen qaabka Doorasho ee dalka ka dhacaysa oo wadar ogol ah, kaasoo waafaqsan baaqii Muqdisho.

Haddaba, madaxdu iyagoo og-soon xilliga lagu jiro iyo sida Shacabku uga Dhur-sugayaan natiijada shirka ayaa waxay ku faraxsan yihiin tallaaboyinka wax ku ool ka ah ee la qaaday iyo jawigii wanaagsanaa ee kulamadu ku qabsoomeen.

Guud ahaan, wax badan ayay madaxdu dalku isla meel dhigeen, waxyaabaha farsamada ah ee harsanna waxaa lagu dhameyn doonaa kulan ay marti-gelin doonto dowladda fedaraalka Soomaaliya oo dhawaan la qaban doono.

Ugu dambeyn, dhamaan mas’uuliyiintii kala duwanaa iyo ergada madasha waxay u mahad-celinayaan Maamul-goboleedka Jubbaland iyo shacabkiisa sida wanaagsan ee ay shirka iyo ergooyikii ka qaybgalayba u marti-geliyeen.

War-saxaafadeedkan ayaa kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka ee Xafiiska RW Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaana shirka madaxda dalka ee Kismaayo uu ku dhamaaday iyadoo aanay kazoo bixin wax qodobbo ah oo la isku af-gartay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya