4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2016
SAWIRRO: Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Buula-burte


Isniin, Janaayo 18, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Yuusuf Daba-geed] oo ay wehliyaan xubno isugu jira Wax-garad iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Buula-burte ku soo dhaweeyay Mas'uuliyiinta maamulka degmada, odayaal-dhaqameed, saraakiisha ciidanka dowlada Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo dadweyne ka yimid xaafadaha ay degmadaas ka kooban tahay.

Ujeeddada socdaalka Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Wafdigiisa ayaa lagu sheegay ka qayb-galka munaasabadda loo qabanayo furitaanka garoonka diyaaradaha Degmadaas oo si rasmi ah xariga looga jarayo, waxaana garoonka hadda si toos ah u isticmaala diyaaradaha, waxaana dib u dhis ku sameeyay ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa halkaas kulamo kala duwan kula qaaday doonta qaybaha bulshada, odayaasha-dhaqanka iyo waxgaradka beelaha degmadaas ku dhaqan, isagoo kala hadli doona arrimo la xiriira maamul u sameynta gobollada Hiiraan & Shabeellada Dhexe.

Ugu dambeyn, Degmada Buula-burte ayaa wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud loogu magacaabay inay tahay xarunta maamulka goboladan loo sameyn doono, taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka degmadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya