4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2016
Madaxweynaha DFS oo kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay Wakiilka QM ee Somalia (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 18, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee QM uga wakiilka ah arrimaha Somalia, Michael Keating.

Xasan Sheekh ayaa ergayga cusub uga warbixiyay xaalada dalku marayo, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay, siyaasadda, amniga, qaybsiga kheyraadka iyo dib u dhiska dalka.

Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee QM, Keating oo isagana kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hawlgalo Somalia, isagoo intaa ku daray in QM ay sii wadayso taageerada ay u fidiso Somalia, inta uu xilka hayana uu dardar-gelin doono mashaariicdii ay QM ka waddey Soomaaliya.

Sidoo kale, Micheal Keating ayaa ah siyaasi u dhashey Britain, wuxuuna beddelay danjire Nichoals Kay oo ahaa wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya oo ay dhammaatay muddadi uu xilkaan hayayay.

Ugu dambeyn, kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia, waxaa goob-joogayaal ka ahaa mas'uuliyiin ka kala socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya