4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2016
KENYA: Qiyaastii 80 Ciidankeena ka tirsan ayaa ku waxyeeloobay weerarkii saldhigga Ceel-cadde


Isniin, Janaayo 18, 2016 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa shaacisay markii ugu horreysay in qiyaastii 80-Askari oo ka tirsan ciidamadooda ay ku Wax-yeelloobeen Weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Jimcihii lasoo dhaafay saldhigga ciidamada Kenya ee Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo.

Inta badan Ciidankan ayaa la sheegay inay weli maqan yihiin, kuwaasoo aan la ogeyn meel ay jaan-iyo-cirib dhigeen, balse waxaa socda baaritaanno la sheegay in lagu baadi-goobayo oo ay ka qayb-qaadanayaan ciidamada Cirka Kenya.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah Ciidanka maqan ee Kenya ayaa waxay sheegtay Al-shabaab in ay gacanta ku hayso iyagoo nool , kuwaasoo ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen intii uu socday weerarkii ay ku qaadeen saldhigga Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Wasiiradda Difaaca Kenya, Rachael Omamo oo War-baahinta kula Hadashay Nairobi ayaa sheegtay in weerarka saldhigga ciidamadooda ay ku lahaayeen Soomaaliya loo adeegsaday qaraxyo is-miidaamin ah oo aad u khatar badnaa.

“Ciidamada Kenya ee ku waxyeelloobay weerarka waxay ka tirsanaayeen kuwa AMISOM ee Soomaaliya,” ayay tiri Omamo, iyadoo diidday inay faahfaahin ka bixiso in la dilay, in la dhaawacay iyo in la qabsaday.

Saldhigga AMISOM ee Ceel-cadde ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidammo Kenyan ah oo tiradooda lagu sheegay illaa 250 Askari, iyadoo Al-shabaab ay sheegeen in ay dileen ku dhawaad 100-askari oo ka mid ahaa, 12 Askari oo kalena ay gacanta ku dhigeen iyagoo nool.

Recael Omamo ayaa xustay in howlgalka lagu baadi-goobayo ciidamadooda ka maqan uu billowday tan iyo markii weerarku dhacay - illaa haddana uu sii socdo, uuna socon doono illaa lasoo badbaadinayo dhammaan ciidamada ka maqan.

Wasiiradda oo sii hadlaysay ayaa xustay in weli xaaladda deegaankii u weerarku ka dhacay ay tahay mid khatar ah; Ciidamada maqanna ay ku sugan yihiin xaalad khatar ah oo aan la Qiyaasi karin.

“Qoysaskii ay askarta waxyeelladu soo gaartay ayaan marka hore u gudbinaynaa warbixin ku aaddan khaaaraha sida uu u soo kala gaaray, markaas kaddib ayaanan shacabka Kenya u soo gudbin doonnaa,” ayay hadalkeeda ku dartay Omamo.

Ugu dambeyntii, tiro kale oo Ciidammo Kenyan ah oo dhaawac ah ayaa Maanta la geeyay Nairobi, kuwaasoo aan illaa hadda tiradooda Rasmi ah la shaacin, iyadoo Weerarkaanna uu noqonayo kii ugu xumaa ee ciidamada Kenya lagula beegsado gudaha dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya