4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2016
Diyaaradaha Dagaalka dalka Kenya oo billaabay Raadinta Askar kaga maqan Koonfurta Somalia


Isniin, Janaayo 18, 2016 (HOL) — Ciidamada Kenya ayaa billaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan askar ku lumay weerarkii Al-shabaab ku qaaday saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-Cadde Jimcihii lasoo dhaafay.

Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa sheegtay in howlgalkan u yahay mid Cirka iyo Dhulka isugu jira oo ay ku raadinayaan ciidamada ka maqan, kuwaasoo ay ku sheegeen inay ka carareen saldhigga markii ay Al-shabaab soo weerartay meel ay ku sugan yihiinna aan la ogeyn.

Sidoo kale, diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo ka geysteen deegaanno ay tuhunsan yihiin inay ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Mid ka mid ah afar askari oo dhaawac ah oo la geeyay Nairobi ayaa sheegay in uu arkay diyaaradaha dagaalka Kenya oo dul heehaabayay saldhiggooda, isla markaana ay ku adkeyd inuu u wacdo, balse markii dambe ay arkeen.

Wasiirka Difaaca Kenya Rachael Omamo ayaa sheegtay inay wadaan howlgalada lagu baadi-goobayo askarta kaga maqan gudaha Somalia, iyadoo xustay inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab illaa ay ka saaraan Somalia oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya