4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2016
SAWIRRO: Dibadbax Somaliland looga horjeedo oo ka dhacay Buuhoodle iyo Xiisado ka Taagan


Isniin, Janaayo 18, 2016 (HOL) — Dibad-bax looga horjeedo maamulka Somaliland ayaa shalay ka dhacay magaalada Buuhoodle, iyadoo laga soo gudbay ay xiisado colaadeed ka aloosnayd, kaddib markii ciidanka Somaliland ay qabsadeen tuuladda Balli-cad oo xarun u ahayd maamulka Khaatumo.

Boqolaal bulshadda qaybaheeda kala duwan ah ayaa isugu soo baxay bartamaha degmada Buuhoodle, iyagoo ku dhawaaqaya hadalo lagu diidan yahay ciidamada Somaliland.

Qaar ka mid ah waxgaradka degmada Buuhoodle, sarakiil ciidan iyo madaxda maamulka Khaatumo oo dadka isku soo baxay kula hadlay fagaaraha Dugsiga Sare ee Samatar Baxnaan, waxaana hadalkooda saldhig u ahayd in laga hortago ciidamada Somaliland oo ay sheegeen inay Buuhoodle duullaan kusoo yihiin.

"Diyaar ayaanu u nahay duullaan kasta oo ay Soomaali-diidku nagu qaadaan, waana is-naqaan, wixii horey uga raacayna waa garanayaan," ayuu dibadbaxa ka yiri guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo, Maxamuud Sh. Cumar Xassan [Surayo].

Sidoo kale, Sheekh Maxamuud Yuusuf Dhuux oo ka mid ah culummada ugu waa-weyn deegaankaas ayaa si cad ugu dhawaaqay in dagaalka lala galo ciidamada Somaliland uu yahay Jihaad. "Digniin baan u diray oo aan u diraynaa ciidamada soconaya ee duullaanka ah - haddii ay ku joogi waayaana waa jihaad eeyaan loo kala hadhin," ayuu yir Sheekh Dhuux.

Ciidamada Somaliland ayaa ku sugan deegaanada kala ah Widhwidh, Balli-cad iyo Qori-lugud oo saddex jiho kaga aaddan degmada Buuhoodle marka laga reebo dhanka galbeed oo Itoobiya ay ka xigto, taasoo ku keentay culays aad u xoog badan.

Ugu dambeyn, laga soo billaabo sannadkii 2012-kii bishan oo kale waxaa ka billaabma xiisado colaadeed deegaanka Buuhoodle kuwaasoo kala dhexeeyay ciidamada Somaliland; iyadoo dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay aad u fara badan yihiin.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool