4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2016
RW ku-xigeenka Somalia oo ka Qaybgalay Xaflad lagu Taageerayay Barnaamijka Aada Dugsiyada


Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka Qayb-galay munaasibad lagu Taageerayay Barnaamijka Aada Dugsiyada (Go to School), taasoo lagu qabtay Daljirka Dahsoon.

Mudane Carte oo ka hadlay xafladda ayaa ku guubaabiyay Shacabka Soomaaliyeed inay u istaagan xoojinta iyo adkaynta barnaamijka Aada Dugsiyada oo ay ka faa’iideysteen Shan dugsi oo qaarkood ay wax ka bartaan carruur agoon ah.

“Af-Soomaligu wuxuu soo maray marxalado kala duwan, maanta waxaa wax lagu faano ah in dalka uu ka hirgalay barnaamijka Aada dugsiyada oo ay ka faa’iidaysteen carruur badan, waxaana uga mahad-celinayaa Waaliddiinta carruurtooda uga faa’iideeyay Barnaamijkaan. Xukuumadda waxaa ka go’an horu-marinta afka hooyo,” ayuu yiri Carte.

Dhanka kale, Maxamed Carte ayaa u mahad-celiyay wasaaradda waxbarashada Somalia oo uu ku Ammaanay hir-gelinta Barnaamijka Aada dugsiyada, Wuxuuna taageeray go’aankii guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ahaa in la joojiyo boorarka lagu qorayo afafka qalaad.

Ugu dambeyntii, Kulammo lagu xusayo maalinta Afka Soomaaliga ayaa lagu qaban doono 21-ka bishan Jannaayo dalka, taas oo noqonaysa sanad-guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xiligii la Aasaasay Qoraalka Afka Soomaaliga oo marxalado kala duwan soo maray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya