4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2016
SAWIRRO: Qaar ka mid ah Askartii Kenya ee ku dhaawacmay Ceel-cadde oo laga dajiyay Nairobi


Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — Tiro ka mid ah ciidammada Kenya ee lagu dhaawacay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Jimcihii hore saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde ayaa maanta la gaarsiiyay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in laba diyaaradood oo wada afar askari oo dhaawac ah ay kasoo dageen garoonka Wilson ee magaalada Nairboi, iyadoo xilligaas ay garoonka ku sugnaayeen wasiiradda gaashaandhigga Kenya, Rechel Omamo iyo taliyaha ciidanka KDF ee Kenya, Jen. Samson Mwathethe.

Jen. Samson Mwathethe ayaa sheegay inay haatan socdaan saldhigii weerarka lagu qaaday howlgallo baadi-goob ah, kuwaasoo lagu raadinayo ciidamo uu ku sheegay inay weerarka ka baxsadeen.

“Waxaan halkan ka sheegayaa inuu socdo Hawl-gal baadi-goob ah oo askartii ka baxsaday dagaalka lagu raadinayo. Waxaan sidoo kale qaadi doonaa howlgallo aan ku beegsanayno cadowga, wayna ka shaleyn doonaan weerarkii saldhigga Ceel-cadde ay ku qaadeen,” ayuu yiri jen. Mwathethe.

Taliyaha millateriga Kenya ayaa intaas ku daray in ciidan Kenyaan ah iyo kuwo Somali ah lagu laayay weerarkaas, Laakiinse ma uusan sheegin tirada Ciidamada Kenya ee lagu dilay weerarkaas.

Dhanka kale, Wasiirradda Difaaca Kenya, Rachael Omamo ayaa waxay iyaduna sheegtay in dowladda Kenya ay marka hore ay la xiriiri doonto qoysaska askarta weerarkaas looga laayay, ayna u sheegi doonto tirada askarta laga dilay.

“Shacabka Kenya waxaan ugu baaqayaa inay is-dajiyaan, dowladduna waxay si dhaqso ah ugu soo gudbin doontaa warbixnnada ku saabsan khasaaraha ciidamada Kenya soo gaaray, kaddib markaan ku wargelinno qoysaskii ay ka baxeen,” ayay tiri Rechael Omamo

Omamo ayaa intaas ku dartay in ciidanka dalka Kenya ay wali dagaal kula jiraan xoogagga Al-shabaab si ay uga soo bad-baadiyaan Askarta ay gaanta ku dhigeen iyagoo nool. Iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay gacanta ku hayso 12-askari oo Kenyan oo nool.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in ciidamadoodu ay sii joogi doonaan Somalia tan iyo inta laga xoreynayo Al-shabaab gudaha dalka Soomaaliya oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya