4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2016
AMISOM oo ka hadashay Weerarkii Al-shabaab ay ku beegsatay saldhigooda Ceel-cadde ee Gedo


Jimco, Janaayo 15, 2016 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa Ciidamada AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa Weerarkii ay saakay Al-shabaab ku qaadday saldhiggooda deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo si adag u cambaareeyay.

Danjire Madeira ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhiggooda Ceel-cadde, laakiinse ciidamadii AMISOM ee Saldhiggaas ku sugnaa ay iska caabiyeen weerarka.

“Ma jiraan illaa hadda wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka ka dhashay oo aan diiwaan-gelinnay, weli waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo khasaaraha. Laakiin Waxaan ciidamada AMISOM ku ammaanayaa jawaabtii deg-dega ahayd ee ay ka bixiyeen dagaalka iyo geesinimada ay muujiyeen,” ayuu yiri danjire Madeira.

Sidoo kale, ergayga Midowga Afrika ayaa xusay in weerarrada noocan oo kale ah ee ay Al-shabaab qaadayso ay yihiin kuwo dadka ay ku cabsi-gelinayso, ujeeddada ay ka leeyihiinna ay tahay inay xaaladda Somalia sii cakiraan.

“Waxaa ka AMISOM inay sii waddo dagaallada ay Al-shabaab kula jirno illaa Somalia oo dhan laga xoreeyo kooxaha argagaxisada ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay Francisco Madeira.

Dhanka kale, Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo ehelladii iyo qoysaskii ay ka baxeen ciidamadii ku dhintay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, isagoo sheegay in ciidamadii ku dhintay ay wadeen howl ay ku xasilinayaan Somalia, balse ma sheegin tirada askarta kaga dhintay AMISOM dagaalkaas.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkii ay maanta ku qaadday saldhigga ciidanka AMISOM ee deegaanka Ceel-cade ay ku dileen 60-askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, inkastoo aysan  sheegin khasaarihii ka soo gaaray dagaalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya