4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2016
FAAHFAAHIN: Al-shabaab oo shaacisay inay 60 Askari ku dileen Weerarkii Saldhigga Ceel-cadde


Jimco, Janaayo 15, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay in ay 60 Askari oo ka Tirsan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ku dileen weerar culus oo ay saaka ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Deegaanka Ceel-cadde oo Qiyaastii 550-km dhanka Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, kana tirsan gobolka Gedo.

Balse, Saraakiil u hadlay ciidamada miliateriga Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay iyaguna sheegeen in weerarkaas lagu qabsaday saldhig ay ciidanka Dowladda Somalia leeyihiin oo ku yaalla deegaanka Ceel-cadde oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ayaa sheegay in weli uu socdo dagaalka, isla markaana aan la ogeyn khasaarihii ka dhashay, wuxuuna sheegay in tirada ay Al-shabaab sheegtay inay dileen ay tahay mid aanay waxba ka jirin.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Kenya ayaa sheegtay in labada dhinac uu soo gaaray khasaare, balse ma sheegin tiro rasmi ah. Inkastoo Al-shabaab ay sheegtay inay ku dileen weerarkaas 60 askarta Kenya ka tirsan.

“Weli dagaalku wuu socdaa,” ayuu yiri Afhayeenka AMISOM, Paul Njuguna isagoo intaa ku daray in illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Dhanka kale, dukaanle ku nool deegaanka Ceel-cadde ayaa Wakaaladda Reuters u sheegay in ciidamada Kenya ee AMISOM ay ka baxeen magaalada ayna haatan ka sii muuqdaan daafaha deegaanka, dagaal-yahannada Al-shabaab ay haatan ku sugan yihiin deegaanka.

“Xoogagga Al-shabaab waxay haatan ku sugan yihiin meel walba oo deegaanka ah,” ayuu yiri Cabdullaahi Iidle oo Dukaan ku leh Ceel-cadde, isagoo intaas ku daray. “Qaar ka mid ah dadkii deegaanka ku noolaana ay barakaceen.

Al-shabaab oo sannadkii lasoo dhaafay laga saaray deeganno badan oo ay kaga sugnaayeen Koonfurta Somalia; kaddib dagaallo wadajir ah oo ay ciidamada ka socda Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ku qaadeen, balse weli waxay kooxdu ka talisaa deegaanno badan oo Somalia ku yaalla, iyadoo weerarro gaadmo ah oo is-xig-xiga ku qaaday saldhigyada ay ku leedahay AMISOM Koonfurta Soomaaliya.

Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah Afhayeenka Hawlgallada Al-shabaab ayaa u sheegay Warbaahinta in weerarka ay ku qaadeen xerada AMISOM ee gobolka Gedo, weerarkaasna ay ku dileen 60 askari oo ciidamada Kenya ka tirsan, ciidammo kalena ay ka baxsadeen.

Afhayeenka Millateriga Kenya, Col. David Obonyo ayaa isna sheegay inay Xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, laakiinse la iska difaacay. “Tirada khasaaraha dagaalkaan ka dhashay weli ka dhashay dagaalka weli si dhab ah looma oga.”

Ugu dabmeyn, Faarax Sugow oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dowlada Somalia ayaa isna dhankiisa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay qabsadeen saldhigga AMISOM. Isagoo yiri. “Ciidamadii AMISOM waxay xerada iyo deegaanka uga baxeen xeelado ciidan, waxayna ku sugan yihiin duleedka deegaanka Ceel-cadde.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya