4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 1 , 2016
SWEDEN: Kulan haweenka reer Hiiraan ay ku Cambaareeyeen Wareegtadii Madaxweynaha DF


Jimco, Janaayo 01, 2016 (HOL) — Kulan ay soo qaban-qaabiyeen Haweenka kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee ku nool magaalada Stockholm ee Dalka Sweden, ayaa waxay ku Cam-baareeyeen go’aankii madaxweynaha dowladda Somalia ee kusoo xiray gogashii nabadeed ee muddada dheer taallay maagalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. 

Haweenkan ayaa sheegay inay taageeraayaan go’aankii guddiga odayaasha dhaqameed ee gobolka Hiiraan oo ka koobnaa 63-ka oday, kaasoo ahaan inay diiddan yihiin wareegtadii madaxweynaha uu soo saaray, isla markaana ay u gudbiyeen dacwad Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah ee arrimaha Somalia ku shaqada leh.

Kulanka dumarka reer Hiiraan ee Sweden ayaa waxay kaloo ku taageereen shirka ka socda Beledweyne ee uu gogosheeda dhigay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif. Iyagoo sidoo kale taageeray gogoshii nabadeed ee horay u taallay Baladweyne muddada sannadka ku dhaw.

Shirka ay gabdhaha reer Hiiraan ku qabsadeen maqaayadda Jubba Restaurant ee magaalada Stockholm ayaa waxay ku dhaliileen qaabkii madaxweynaha Soomaalya iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan ula dhaqmeen Dadweynaha, Waxgaradka iyo Odayaasha gobolka Hiiraan, iyagoo aan wax tixgelin ah la siin gogoshii nabadeed ee horey u taallay Baladweyne iyo rabitaanka shacabka gobolka iyo weliba diidmada ay waxgaradku ku diideen in Gobolka Hiiraan xuquuqdiisa aan loo oggolaan. Arrintaasoo ay sheegeen inay imaanayaan iyadoo nasiib-darro uu gobolku yahay meelaha aadka u yar ee sida weyn looga taageero dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Haweenka kulankan ka hadlay ayaa waxay tilmaameen inay wax lala yaabo ay tahay in la simo gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Isla markaana gobolka Hiiraan oo taariikh weyn ku leh Somalia, gaar ahaan xilligii gobanima-doonka iyo inuu weli yahay gobolka kaliya ee ka haray gobolladii lagu aasaasay Jamhuuriyaddii Somalia 1960-kii, in la hoos geeyo gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxay dumarka reer Hiiraan ee ku nool dalka Sweden cod-dheer ku sheegeen in dadka reer Hiiraan sida; waxgaradkooda, odayaashooda, haweenkooda, dhallinyaradooda iyo weliba qurbo-joogtooda ay kasoo horjeedaan qaabka loola dhaqmay.

Waxayna kaloo haweenku ku dhaliileen kulankooda in dowladda Somalia ay dadka Reer Hiiraan u diideen inay dareenkooda iyo rabitaankooda soo bandhigaan, taasoo ay ku til-maameen mid kasoo horjeedda dastuurka dalka u yaalla iyo xeerarka caalamiga ah. Iyagoo xusay in afduubka reer Hiiraan lagu sameynayo ay muujineysaa in si weyn loogu xad-gud-baayo xuquuqda aadanaha iyo sidoo kale rabitaanka shacabka gobolka Hiiraan ku nool.

Dhanka kale, kulanka waxaa lagu muujiyey in Dumarka Soomaaliyeed ee Reer Hiiraan ay dowladda Soomaaliya garab-taagan yihiin, haddii ay dowladdu FS tahay mid cadaalad iyo rabitaanka dadka ku shaqeyneysa.

Ugu dambeyn, waxay gabdhaha reer Hiiraan ee ku dhaqan Sweden u rajeeyeen guud ahaan Somalia, gaar ahaan gobolka Hiiraan horumar, midnimo iyo nabad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya