4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 1 , 2016
Madaxweynaha Rwanda oo Shaaciyay Maanta in 2017-ka uu Mar Saddexaad u Tartamayo Xilka


Jimco, Janaayo 01, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa Maanta oo Jimco ah sheegay inuu markii saddexaad u tartamayo xilka madaxnimo ee dalkiisa, kaddib isbedel lagu sameeyay dastuurka Rwanda.

Isbedelka lagu sameeyay dastuurka Rwanda ayaa wuxuu u ogolaanaya inuu mar saddexaad xilka u tartamo madaxweyne Kagame, iyadoo shacabka dalkaas ay bishii lasoo dhaafay afti laga qaaday ku ogolaadeen isbedelkan lagu sameeyay dastuurka.

“Waxaad si cad u muujiseen inaad mustaqbalka dalkeenna doorataan. Waxaadna doorateen in horumarka dalkeenna uu sii socda,” ayuu Kagame ku yiri Khudbad uu shacabka dalkaas uga jeediyay Telefishinka Qaranka.

Bishii December ee lasoo dhaafay ayaa waxay shacabka Rwanda u codeeyeen dastuurka oo u ogolaanayay Paul Kagame oo 58-jir ah inuu ka qayb-galo doorashada sannadka 2017-ka ka dhacaysa Rwanda.

Sidoo kale, Paul Kagame ayaa wuxuu Dastuurku u ogolaanayaa inuu xilka Madaxnimo ee dalkaas u tartamo laba jeer oo min shan sano uu xukunka dalkaas u tartamo, isagoo haddii uu doorasooyinka ku guuleysto u ogolaanaysa inuu xukunka dalka haynayo illaa sannadka 2034-ka.

Aftidii ay dastuurka Rwanda u qaadeen shacabka Rwanda ayaa la sheegay inay ogolaadeen 98.4%, halka ay kasoo horjeesteen tiro lagu sheegay 1.6%. Taasoo ka dhigan in is-bedelka dastuurka dalkaas loo ogolaaday si aqlabiyad ah.

Laakiin, Xukuumadda Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub ayaa waxay Paul Kagame ka dalbadeen inuu Xukunka ka dago marka la gaaro Sannadka 2017-ka, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in madaxda dalalka Afrika ay dimuqraadiyadda ku dhaqmaan.

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame oo xilka qabtay Sannadkii 1994-kii oo uu Dalkaas ka gudbay rabshadihii isirka ku saleysnaa ee sababay inay ka dhacaan xasuuq baahsan oo ay ku naf-waayeen kumannaan shacab ah, waxaana lagu amaanaa inuu horumar gaarsiiyay waddankiisa.

Dhanka kale, Kagame oo laba jeer xilka madaxweynenimo ee dalkiisa u tartamay laba jeer oo kala ahaa; sannadihii 2003-dii iyo 2010-kii ayaa ka helay 90% codadkii doorashada sida ay sheegeen guddiyadii doorashada dalkaas.

Ugu dambeyn, Mucaaradka Dalka Rwanda ee Green Democratic ayaa waxay diideen in ay aqbalaan is-bedelka lagu sameeyay dastuurka Rwanda, waxayna sidoo kalena sheegay inay kasoo Hor-jeedaan in Kagame uu mar Saddexaad xilka u Tartamo madaxnimo ee Rwanda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya