4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 1 , 2016
Munaasabad lagu soo dhaweeynayay Musharrax C/raxmaan Cadoow oo lagu Qabtay Beledweyne


Jimco, Janaayo 01, 2016 (HOL) — Xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Musharaxa Madaxweynaha maamul-goboleedka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe C/raxmaan Xuseen Caddoow ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta maamulka heer gobol, odayaasha dhaqanka, dhalinyarro, haween iyo marti-sharaf kale ayaa soo camiray goobta munaasabadda lagu qabtay Ex-Baar Xassan Dhiif ee magaalada Beledweyne, waxaana halkaa khubado kala duwan ka soo jeediyay mas'uuliyiin iyo odayaal dhaqameed taageero mug leh u muujiyay musharaxa.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo xafladda ka hadlay ayaa xusay inay soo dhaweynayaan dhinacooda hanka siyaasadeed ee musharraxa, isagoo u rajeeyay guul & inuu kusoo baxo kursiga madaxnimo madaxweynaha maamulka labada gobol.

Musharax C/raxmaan Xusseen Cadoow oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka madaxweynaha maamulka labada gobol ka shaqeyn doono siidii ay bulshada ku dhaqan labada gobol u heli lahaayeen, Cadaallad, Midnimo iyo Sinnaan, sidoo kalana uu la-dagaaalami doono musuq-maasuqa, shaqo abuur u sameynayo dhallinyarrada ku dhaqan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, si wax looga qabto Tahriibka, meeshana looga saaro dhimashada baahsan ee dhalinyarrada Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo uu xusay inuu ka shaaqeyn doonno kobcinta dhaqallaha labada gobol iyadoo dib loo soo nooleynayo dhamaanba goobihii adeega bulshada iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee e ku bur-buray dagaalladii sokeeye, hirgalinta waxbarashada lacag la'aan ah ayuu sidoo kale soo hadal qaaday.

'Marka la eego dhammaan ballan-qaadyada musharaxa oo ahaa kuwo Taabanaya dhinacyo badan ayaa ku xirran inuu marka hore ku guuleysto xilka madaxnimo ee maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybihii kala duwanaa bulshada ee munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qorshaha musharaxa oo ay u arkayeen mid diirada lagu saarayo dhamaanba baahiyaha kala duwan ee ka jira labada gobol.

Magaalada Beledweyne waxaa hadda ku sugan labo musharax oo u taagan xilka hoggaanka Maamulka loo sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe; Kuwaasoo kala ah; C/raxmaan Xuseen Caddoow iyo Ibraahim Xabeeb Nuur oo shalay magaalada Baladweyne soo gaaray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya