9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 1 , 2016
Hay'ada Nabad-sugidda Soomaaliya oo Sheegtay inay Fashilisay Weerar lagu qaadi lahaa XALANE


Jimco, Janaayo 01, 2016 (HOL) — Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Somalia ayaa sheegtay inay xalay fashilisay weerar ay xoogag ka tirsan Al-shabaab doonayeen inay ku qaadaan Xeralada Xalane oo ay deggen yihiin Ciidamada AMISOM iyo qaar ka mid ah dublamaasiyiinta shisheeyaha ee Muqdisho ku sugan.

Nabadsugidda Somalia ayaa sheegay in ciidamada ammaanka oo ka war-heley qorshahaas, isla markaana ku jiray howlgal ay amniga ku sugayeen ay iska hor-yimaadeen gaari caasi ah oo siday hoobiyayaal, ayna rasaas is-dhaafsadeen.

Sidoo kale, arrintan ayaa waxaa VOA-da uga Warramay Taliyaha Nabad-sugidda Qaranka, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare in qaar ka mid ah Rasaastaas ay badda ku dhacday oo aanay wax khasaare ah geysan.

“Xalay saqdii dhexe ayay koox ka tirsan Al-shabaab waxay hoobiyeyaal kusoo rareen gaari caasi ah si ay ugu weeraraan xerada Xalane oo ay AMISOM degen yihiin, laakiin ciidanka ayaa ka hortageen,” ayuu yiri Jen. Tuur-yare.

Taliyaha Nabadsugidda Somalai ayaa intaa ku daray in xogta ku saabsan arrintaan ay horay uga war-hayeen inay doonayeen inay weerarkaas xalay fuliyaan, laakiinse ciidamada ayaa heegan ku jiray oo ka hor-tagay weerarkaas, iyagoo kusoo beegay xilli saq-dhexe ah oo ay moodeen in ciidamadu ay seexdeen.

DHAGEYSO: Wareysiga Nabadsugidda DFS oo ka hadlay Weerar Fashilmay VOA;

“Bartilmaameedkoodu wuxuu ahaa Xerada Xalane, iyagoo doonayeen inay hoobiyeyaal ku tuuraan, si warbaahintu u baahiso, balse waan ka hor-tagnay,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray taliyaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa wax laga weydiiyay laba nin oo Iiraaniyiin ah oo dhawaan ay xireen, kuwaasoo la sheegay inay madhabta shiicada ka fidinayeen Muqdisho, laakiinse ay Iiraan beenisay arrintaas, wuxuuna ku jawaabay. “Arritan waxaa laga wareysanayaa dadka howshaas shuqulka ku leh, mana ahan arrin mudan uu taliyuhu inuu wax ka yiraahdo ma ahan.”

Waxaa loo raaciyay su’aal kale oo ah inay u xiran yihiin raggaas, Wuxuuna taliyuhu kaga jawaabay cid walba oo ammaan-darro gacanta kula jirto ay ciidamadu u qabaan amar inay qabtaan. Wuxuuna yiri. “Illaa had cid ajnabi ah oo noo xiran ma ogi, balse baaritaano ayaa socda, haddii dadku xiran yihiin iyo haddii kaleba baaritaannadu way sii soconayaa, dibna waa loosoo xiri karaa haddii dambigu ku caddaado.”

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa la weydiiyay hub dhawaan laga helay masaajid Muqdisho ku yaalla; Wuxuuna ku jawaabay in hubkaas uu ahaa mid la isitcmaali karo oo Masaajidka ku hoos-duugnaa waana laga soo saaray, baaritaan ayaana hubkaas ku socda.

Si kastaba ha ahaatee, taliska ciidamada AMISOM oo xaruntooda ugu weyn ee Muqdisho ay ku leeyihiin ay tahay Xerada Xalane oo la sheegay in la weerari lahaa xalay ayaan illaa hadda wax war ah kasoo saarin arrintan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya