4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 1 , 2016
WARBIXIN: Dhacdooyinkii ugu Waa-weynaa ee Sanadkii hore ka dhacay Somaliland (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 01, 2016 (HOL) — Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Somaliland oo dhan ka dhacay ayaa warbixin idin kaga diyaarinay, waxaana kusoo qaadanaynaa 12-kii bilood ee Sannadkii dhamaaday arrimihii ugu muhiimsanaa ee lagu xasuusan doonnno.

Inta badan dhacdooyinkii ugu Waa-weynaa waxa ka mid ahaa khilaafyaddii Siyaasadda ee ka dhacay oo ay ugu weynayd dhacdadii gudoomiyaha golaha wakiilada iyo ku xigeenkiisu gacanta isku tageen ka dib khilaaf soo kale dhexgallay, waxa kale oo iyana la xusi karaa wasiiraddii ugu badnaa ee golaha xukuumadda iska casila ka dib markii madaxweynaha ku eedeeyeen inuu la kala saftay musharaxiintii xisbiga kulmiye ka sharaxnaa.

Haddab,a Warbixintan ayaanu ku eegaynaa dhacdooyinkii dhacay December illaa January 2015-kii, dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhacay Somaliland:

1. December 27,2015, xukuumadda Somaliland oo go’aanno adag ka soo saartay adkeynta amniga iyo ilaalinta Xuduudaha, iyadoo sheegtay in aan dalka lagu soo gali Karin sharci la’aan laguna noolaan Karin sharci la’aan mudda u qabatay dadka aan sharci lahayn ee wadanka dhex joogga.

2. December 13, 2015, Madaxweyne Axmed Siilaamyo ayaa kormeer ku soo maray hay’adaha garsoorka iyo wasaaradda Cadaaladda, isagoo ku guubaabiyey inay cadaaladda ilaaliyaan dadkan ugu adeegaan.

3. December 12,2015, Shir ugu horeeyey ee ay xukuumaddu la yeelato wakiilada dalalka caalamka u fadhiya Somaliland, isla markaana siiyey aqoon korodhsi afar maalmood socday.

4. December 4, 2015, madaxweyne Siiilaanyo ayaa guddi u saaray sidda loo xalinayo sicir barar saameeyey nolosha danyarta.

5. November 17,2015, waxa maalintaasi geeriyooday wariyihii weynaa ee Axmed Xasan Cawke oo magaaadda Jig jiga ee deegaanka Soomaalidda ku geeriyooday, iyadoo isla galabtiina lagu aasay magaaladda Wajaalle.

6. November 10,2015, waxa qabsoomay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo muddo badan soo jiitamayey, isla markaana siyaaasiyiin waaweyn qaadaceen shirkaasi, waxaanu madaxweyne Siilaanyo shirweynaha ka sheegay in aanu mar labaad musharax u ahayn xisbiga, isla markaaana ku wareejin doonno jiilka ka dambeeya, waxaana halkaasi ka dhacay doorasho lagu doortay Muuse Biixi inuu noqdo musharaxa xisbiga kulmiye ee doorashooyinka soo socda, halka ku xigeena u noqday C/raxmaan Saylici oo tartan adag dhex maray Saleebaan Xaglo toosiye oo ay u wada tartamayeen musharax ku xigeenka xisbigaasi, waxaanay guushu raacday C/raxmaan Saylici.

7. Octobar 26,2015, in ka badan kow iyo toban masuul oo u badan wasiiradii ugu awoodda badnaa ayaa iska casilay xukuumadda Axmed Siilaanyo ka dib markii ay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu musharaxiintii xisbiga garab la saftay, ragaasi is casilayna waxa kamid ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi, wasiirkii Madaxtooyadda, Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirkii Shaqadda arrimaha bulshada Cabdi Aw Daahir iyo masuuliyiin faro badan.

8. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu markiiba buuxiyey xilalkii ay baneeyeen xubnihii wasiirrada ahaa ee is-casilay.

9.September 12,  2015, shirgudoonka  golaha wakiilada Somaliland Guddoomiye Cirro iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax ayaa  isku gacan saaray golaha, kuwaas oo feedh iskala daalay ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay dhexdoodda.

10. September 11,2015, Mdaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo ayaa cayimay wakhtiga doorashadda madaxtooyadda iyo Wakiiladda qabsoomi doonta 28/03/2017.

11. August 30,2015, Golaha Wakiiladda ayaa laallay heshiish xukuumaddu ku doonaysay inay Kaydka Haamaha berbera ku wareejiso dad gaar ah, haseyeeshee go’aankaasi golaha ka soo baxay ayaa xukuuumaddu ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.

12. August 12,2015, maxkamadda dastuuriga ah ayaa qaraar ka soo saartay khilaaf ka dhashay muddo kordhintii guurtiddu u samaysay madaxtooyada iyo golaha Wakiiladda, waxaanay maxkamaddu ayiday go’aankii Guurtidda, waxaana isla markiiba  sheegay inay ku qanacsan yihiin sadexda xisbi qaran.

13. July 22,2015, ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan  ayaa magaaladda Hargeysa ku geeriyooday, ka hor wadaadnimadda waxa uu ahaan jiray Fanaan weyn kana mid ahaa ragii kaalinta weyn ka soo qaatay Fanka Soomaalidda, markii dambana noqday wadaad diinta faafiya.

14.  July 12,2015, waxa magaalada Hargeysa lagu soo dhoweeyey arday 12 jir ah oo u dhashay Somaliland oo kaalinta kowaad ka gallay tartankii quraanka qariimka aduunka oo ka dhacay dalka Sacuudi Arabiya.

15. June, 16,2015, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto C/llaahi Fadal Iimaan ayaa shaaciyay inay ciidamada boolisku soo qabqabteen todoba nin oo dableysan hubeysana oo ciidanka rasaas kala hor yimi iyo Afar Qori oo AK47-na iyo dhowr baabuur oo ay wateen, isla markaana nin ka dhaawacay dableydii.

15. May 31,2015, Somaliland ayaa markii u horaysay waxay soo iibsatay Shaybaadh casri ah oo loogu tallo galay in lagu baadho tayadda shiidaalka dalka soo gelaya, kaasi oo laga hirgeliyay xarunta haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera.

16. May 15, 2015, Qaxootigii u horeeyey eek a soo carara dagaaladda ka dhacayey dalka yemen ayaa soo gaadhay magaaladda Berbera taas oo xukuumaddu u diyaarisay goobo lagu nasiyo ka dibna qof walba halka uu rabo la geynayey.

17. May 24,2015, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamad Warancade,ayaa sheegay in aanay Qaxooti dambe oo ka yimaadda Yemen aanay qaabilo doonin, isago ku sababayeeyey ka dib markii hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka u fidiya qaxootiyada dalalkooda ka qaxaa markii ay gacan u fidin waayeen dadka qaxooti ahaan ku yimaadda Somaliland ee ka soo cararay dagaaladda ka socda dalka Yeman.

18. May 25, 2015, Xukuumadda Somaliland ayaa isku dayey inay Markab siday Qaxooti yemen dib loogu celiyo Yemen, iyadoo taageeraysa go’aankii qaxootiga Soomaaida ka dhanka ahaa ee ay hore u gaadhay, haseyeeshee saacaddo ka dib waxa qaxootigaasi laga soo dejiyey Marabkii, iyadoo goobihii markii hore loogu tallogalay qaxootigaasi la dajiyey.

19. May 24, 2015, Madaxweyne Siilaanyo ayaa magacabay gudoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali oo ka mid ahaa macalimiinta jaamacadda Hargeysa wax ka dhiga.

20. May, 24, 2015, Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku sugan magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa booqasho ugu tegay Barakacayaasha Yeman ka soo qaxay ee ku sugan gobolka saaxil.

21. April 18, 2015, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii maxkamadda sare ee dalka Md. Yuusuf Ismaaciil Cali, isagoo madaxweynuhu sababeeyay asbaabaha dhaliyay in xilka laga qaado.

22. March 11,2015, Isbahaysiga xisbiyadda mucaaradka ayaa ku dhowaaqay inay shir aayo ka tashi bisha April ku yeelaan magaaladda Hargeysa, taas oo sas ku abuurtay xukuuumadda, isla markaana dhalisay in hoteeladda amar lagu siiyo in aanay ogolaan in shirkaasi lagu qabto dalka, haseyeeshee waxa khilaafkaasi keentay in la iskula tago maxkamadda sare, taas oo ka soo saartay go’aammo ah in xisbiyadu shirarkoodda qabsan karaan, balse aanay qabsan Karin shir qaran, waxaana wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu amray in loo fasaxo shirarkoodda. Halka mucaaradkana looga digay in aanu shirkaasi lagu qabin Karin magaca shir qaran.

23. March, 1, 2015, Carwada Ganacsiga Isu-tagga Dumarka Itoobiya (EWA) oo markii ugu horreysay lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.

24. March 1, 2015, Maalintaasi waxa lagu xasuusta waxay ahayd markii lagu kala kacay shirkii wada hadaladda ee Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey kaasi oo ka furmi lahaa dalka Turkiga magaaadiisa Stanbul, ka dib markii weftigii Somaliland ka biyo diiday xubno la socday weftiga Soomaaliya ka socday xubno ka ahaayeen afar xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland, taas oo illaa hadda aan mar dambe dib u furmin.

25. February 12, 2015, Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Itoobiya u ballanqaaday in Jabhadda suldaan Wabar dalkeedda ka soo saarto, isla markaana aanay dalkeedda gudihiisa u ogolaan in koox nabadda waxyeelaysa ku dhuumato. “Waxaana dowladda Itoobiya noo ballan-qaaday inay tallaabo deg-deg ah ka qaadayaan kooxahaas waxay ahayd dablay nabad-diid ah oo si tuugo ah Itoobiya ugu dhuumanaysay, markaa arrintaasi si dhakhso ah ayay u soo af-jarmaysaa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

26.  January 29, 2015, Somaliland oo magaalada Berbera ku qabatay markab hub noocyo kala duwan duwani ay saaranaayeen .

27. January 20, 2015, Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa xadhiga ka jaray qaybtii kowaad ee Wadadda Ceerigaabo ee gobolka Sool, taas oo ahayd waddo raf ah oo dadka maraa dhibaatooyin badan kala kulmi jirey.

Intaas ayaanu kusoo Af-meeraynaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee sanadkan dhamaaday soo maray Somaliland, isla markaana aanu ka xusnay un dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa.

Waxaana Sannadkan billowday ee 2016-ka Alle ka baryeynaa inuu sanadkan inooga dhigo mid barwaaqo iyo caafimaad inoo horseedda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland