4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 1 , 2016
Dugsiga Mufiidul-Qur'aan oo Hargeysa ku yaalla oo Culuunta Islaamka kugu baraya hab Online ah


Jimco, Janaayo 01, 2016 (HOL) —Machadka Barashada Culuunta Islaamka ee Mufiidul-Quraan oo ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa dadka Soomaaliyeed ugu bishaareynaya in la casriyeeyay barashada diinta Islaamka.

Machadkan ayaa lagu baranayaa xifdinta Qur’aanka Kariimka ah iyo Culuunta Shareecada sida; Xadiiska, Fiqiga iyo Caqiidada, kuwaasoo ah kuwo uu qorka Islaamka ah ka maarmin barashadooda.

Sidoo kale, machadkan ayaa wuxuu wax ku barayaa dadka doonaya inay Diinta Islaamka bartaan hab Online ah; iyadoo wax looga baranayo Skype Online ah. Taasoo u sahlaysa qofka wax baranaya inuu si dhaqso ah ku barto dhammaan culuunta Islaamka.

Haddaba, wixii faahfaahin iyo macluumaad ah oo intaas dheer waxaad kala xiriiri kartaan Skype-ka [mufiidulquraan] ama call free: 0014155201072.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya