4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 1 , 2016
SAWIRRO: Dab Qabsaday Hoteel kuwa Raaxada ah oo ku yaalla Bartamaha Magaalada DUBAI


Jimco, Janaayo 01, 2016 (HOL) — Hoteel kuwa raaxada ah oo ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa weli waxaa ka baxaya qiiq fara adan, waxaana dabku uu kacay xilli fiidnimadii xalay la isku diyaariyay oo dhaweynta bilashada Sannadka cusub ee 2016-ka.  

Dabkan ayaa ka kacay Qaybaha sare ee Hoteelka oo 63-fooq ka kooban, kaasoo ku yaalla bartanka magaalada Dubai, iyadoo saraakiisha ay sheegeen inuu ka kacay dabku dhismaha 20-aad ee dabaqa uuna waxyeello xooggan geystay.

Maamulka Imaaradda Dubai ayaaa shaaciyay in Hoteelku uu ku yaallo meel ku dhow Burj Khaliifa oo ah halka ay ku yaallaan dhismayaasha Dunida ugu dhaadheer ee Burj Khalifa, wuxuuna dabkani ka mid noqonayaa kuwo sanadihii lasoo dhaafay harqiyay dhismayaasha ugu dhaadheer caalamka ee ku yaalla magaalada Dubai.

Taliyaha guud ee ciidamada amniga Dubai, Jen. Dahi Khalfan ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno la xiriira sababtii dabkan dhalisay, isagoo yiri. “Waxaa socda baaritaanno ku aaddan sababta dabkan dhalisay.”

Goob-joogayaal ayaa iyaguna sheegay inay mar keliya arkeen dab ka kacay qaybta sare ee dhismaha hoteelka, iyagoo intaa ku daray in dadkii deggenaa iyo kuwii u tamashlaha tagay hoteelka ayaa qaarkood laga soo saaray iyagoo bad-qaba.

Sidoo kale, maamulka magaalada Dubai ayaa sheegay in 16-qof ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen muraayadaha hoteelka oo burburay. Wuxuuna maamulku intaas ku daray in 14-qof oo dhaawacyadan ka mid ah ay ahaayeen kuwo fudud, halka mid ka mid ahna uu dhaawac culus qabo, halka qof kalena uu wadno-xanuun qabo, taasoo uu keenay qiiqii ku baxay intii howsha daad-gureyntu ay socotay.

Dhanka kale, kooxaha dab-damiska ah ayaa tan iyo xalay dadaal ug jiray sidii ay dabka ku damin lahaayeen, inkastoo weli qaybo ka mid ah hoteelka uu qiiq fara badan lagu arkayo.

Ugu dambeyn, bishii November ee lasoo dhaafay 2015-ka, ayaa waxaa dab kan oo kale ah uu ka kacay saddex dhisme oo ay shacab deggenaayeen oo ku yaalla bartamaha magaalada Dubai, kuwaasoo xannibay isku socodka qaybo ka mid ah magaaladaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya